SAADAAL: Chelsea Oo Ku Tumanaysa Man United, Xasuuqa Man City, Farxadda Klopp & Saadaasha Dimitar Berbatov Ee Toddobaadkan

Advertisements

“Anigu waan u ciyaari jiray kooxda, waxaanan ogahay inay ku adkaan doonto inay ka hor tagaan iyaga, laakiin United ayaa kusoo jirtay toddobaad aad iyo aad u adag, wayna ku weyn tahay in guul laga doono marka ay tagaan Stamford Bridge iyadoo la eegayo sida wax ugu dhaceen.” Sidaas waxa yidhi Dimitar Berbatov ka hor inta aanu u gelin saadaashiisa horyaalka Premier League ee toddobaadkan.

Weeraryahanka hore ee Man United iyo Tottenham oo waqtiyo qurux  badan kusoo qaatay Old Trafford, ayaa intaa ku daray: “Chelsea waxay ahayd koox aan la rumaysan karayn waxay usbuucyadii ugu dambeeyey ka samaynaysay Premier League iyo rikoodhka ay ku jabisay guushii Champions League ee toddobaadkan. Waxay gaadhayeen guulo xidhiidh ah iyo bandhig wanaagsan, wayna sii wadan doonaan.”

Advertisements

Dimitar Berbatov waxa uu saadaashiisa saddexda dhibcood ku siiyey Chelsea, halka Manchester United uu u sheegay inay lasoo laaban doonaan guul-darro, kaddibna ay ciyaarta Arsenal u iman doonto iyagoo hoos uga sii dhacay booska siddeedaad ee ay hadda ku jiraan.

Manchester United waxay Axadda safar ugu tegi doontaa Chelsea oo hoggaanka haysa, halka Arsenal ay u dagaallami doonto inay jidka  guusha kusoo laabato marka ay qaabbisho Newcastle United kaddib guul-darradii ay kala soo kulmeen Liverpool.

Advertisements

Laba halyey oo horyaalka Premier League magac weyn ku leh ayaa kulamaya, waana Steven Gerrard iyo Patrick Vieira oo ay iska hor imanayaan labadooda kooxood ee Aston Villa iyo Crystal Palace.

Liverpool waxay u tegi doontaa Southampton, balse Man City oo la celin la’ yahay ayaa garoonkeeda ku qaabbili doonta West Ham United oo usbuucii hore ay isku dhibco ahaayeen balse guul-darro ay la  kulantay ugu dhacday kaalinta afraad ee horyaalka Premier League oo ay ka beddeshay Liverpool.

Saadaasha Dimitar Berbatov ee kulamada horyaalka Premier League ee usbuucan 13aad:

Arsenal 2-0 Newcastle

Southampton 0-2 Liverpool

Norwich 1-0 Wolves

Crystal Palace 1-1 Aston Villa

Brighton 1-0 Leeds

Brentford 0-1 Everton

Man City 3-1 West Ham

Leicester 2-1 Watford

Burnley 0-1 Tottenham

Chelsea 2-1 Man United

Advertisements

15 Fekradood

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*

Haddii Aad Ka Heshay Warbixintaan Fadlan La Wadaag Asxaabtaada