Tababaraha Manchester United Erik ten Hag ayaa sheegay in Mason Mount uu wajahay dhaawac kale oo dib u dhigaya inuu ciyaaro waqti dhow.
Si kastaba, Ten Hag ayaa xaqiijiyay in Scott McTominay, Bruno Fernandes iyo Marcus Rashford inay dhamaantood ku soo laabteen tababarka.
Waxay taasi la micno tahay in seddexda ciyaaryahan ay ka qeyb qaadan karaan kulanka adag ee ay Old Trafford ku soo dhaweynayaan kooxda rajada kale leh horyaalka Premier League ee Arsenal.
Laakiin Mason Mount ayaa la sheegay inuu soo gaaray dhaawac nasiib darro ah taasoo sii murjineysa xaalada dhaawacyada ee Shayaadiinta Cas Cas.
Xiddiga khadka dhexe kaliya ma ahan ciyaaryahan ay dhibaatadiisa sii daba dheeraatay, sidoo kale Luke Shaw ayaa dib dhac ka wajahay soo kabsashadiisa ka dib dhibaato muruqa ah oo soo gaartay.
Ten Hag ayaa yiri: “Mason Mount waxaa soo gaaray dhaawac cusub, mana ciyaari doono.
“Luke Shaw isna sidoo kale dib dhac ayaa ku yimid soo kabsashadiisa.”
Mount ayaa United kaga soo biiray Chelsea xagaagii la soo dhaafay iyagoo ku iibsaday 60 milyan ginni.
Si kastaba, xiddiga Ingariiska ayaa waxaa la degay dhaawacyo xiriir ah. Mount ayaa ku maqnaa dhaawac kubka ah oo soo gaaray bishii November muddo afar bilood ah.