Kooxda kubadda cagta Arsenal waxa ay u baahan tahay mucjiso si ay ugu guuleysato horyaalka Premier League ee xilli-ciyaareedkan, waxaana mucjisadaas ay tahay inay dhacdo maalmaha Sabtida iyo Axadda, si usbuu-dhamaadka loo gaadho iyadoo Gunners dabbaal-degaysa.
Arsenal oo si layaableh usii qorshaysatay halka ugu dabbaal-degayso horyaalka Premier League, goobaha la geynayo koobka iyo meelaha ay taageereyaasheed iskugu iman doonaan, ayaa lagu tilmaamay kuwo ‘quud aan jirin qoryo u goranaya’, sababtoo horyaalka waxa xisaab ahaan uga dhow Manchester City, balse mucjiso inay dhacdo ayay Arsenal rajaynaysaa.
Gunners oo ay 20 sannadood ka hor ugu dambaysay inay ku guuleysato horyaalka Premier League ayaa waxa ay Sabtida daawan doontaa ciyaarta Manchester City ay la dheelayso Fulham oo ay ku booqanayso magaalada London. Maalin kaddib waxa ay Arsenal u safri doontaa magaalada Manchester oo ay garoonka Old Trafford marti ugu noqon doonto Manchester United.
Sidee ayay Arsenal ugu guuleysan karaysaa horyaalka Premier League?
Si ay Arsenal ugu dhamaysato kaalinta koowaad, waxa ay u baahan tahay in Manchester City la qabto hal kulan oo ka mid ah saddexda ciyaarood ee u hadhsan, sidoo kalena ay Gunners guuleysato labada ciyaarood ee u hadhsan.
Manchester City ayaa haddii ay Sabtida ka badiso Fulham, waxay la wareegi doontaa hoggaanka oo ay hayn doonto illaa hadda, markaas oo ay Arsenal mar kale kusoo laaban doonto haddii ay kasoo adkaato Manchester United.
Salaasada ayaa ah ciyaarta sii kala saari doonta Arsenal iyo Manchester City ka hor inta aan la isla gaadhin ciyaarta ugu dambaysa ee usbuuca dambe lagu soo xidhi doono horyaalka Premier League, markaas oo ay Manchester City la ciyaari doonto Tottenham oo ah kulanka baaqiga u ah Man City ee ah faa’iidada ay dheer tahay Arsenal.
Kulamada u hadhay Arsenal iyo Manchester City
ARSENAL
Man Utd (Marti) May 12
Everton (Minan) May 19
MAN CITY
Fulham (Marti), May 11
Spurs (Marti) May 14
West Ham (Minan) May 19