Wariyaha ciyaaraha Fabrizio Romano ayaa shaaciyey, in kooxda reer Spain ee Real Madrid ay heshiis la gashay xiddiga reer France ee Kylian Mbappe oo goordhoweyd muuqaal uu soo duubay ku sheegay in uu ka tegayo kooxdiisa PSG dhamaadka xilli-ciyaareedkan.
Fabrizio Romano ayaa sheegay in Kylian Mbappe uu bishii February sii gaadhay go’aankiisa oo uu la wadaagay maamulka kooxda sida madaxweyne Nasser Al-Khelaifi, tababare Luis Enrique iyo ciyaartoyda kooxda, kaliyana hadda uu dadka kale si caam ah u ogeysiiyey.
Waxa kale oo uu wariyuhu xaqiijiyey, in Kylian Mbappe uu tegayo Real Madrid oo uu si xor ah ugu biiri dooino, isla markaana uu laacibkani isku diyaarin doono safarka Madrid iyo waayihiisa Real Madrid halkaas oo uu mar horeba heshiis la gaadhay Real Madrid.
Waqtiga aadka loo sugayo ee ah xilliga ay Real Madrid ku dhawaaqi doonto heshiiska Kylian Mbappe ayaa waxa uu Fabrizio Romano ka yidhi: “Kylian Mbappe mar hore ayuu heshiis la gaadhay Real Madrid, waxay noqon dootaa waqti aad u weyn. Kaddib finalka Champions League ayaa la sugayaa waqtigaas.”
Real Madrid ayaa dhinaceeda qorshaynaysa in Kylian Mbappe uu ciyaartoyda kooxda u raaco garoonka Wembley ee magaalada London finalka tartanka Champions League ee June 1 ay Borussia Dortmund wada dheeli doonaan.