Tababaraha Liverpool Jurgen Klopp iska diiday fekerka ah inuu shaqo khabiirnimo oo uu falanqeynayo finalka Champions League qabto maalmo ka dib marka uu ka tago Anfield, si uu u falanqeeyo kooxdiisa hore ee Borussia Dortmund.
Tababaraha Jarmalka ayaa diiday inuu ka hadlo mustaqbalkiisa marka uu ka tago Liverpool laakiin waxa uu cod qayaxan ku diiday inuu waqti dhow noqon doono mid la shaqeeya TV-yada oo ciyaaraha falanqeeya.
Ka dib markii ay Dortmund gaartay finalka Champions League iyagoo la balansan Real Madrid, Klopp ayaa la weydiiyay haddii uu kulanka Wembley noqon doono falanqeeyaha ciyaarta finalka, balse waxa uu ka bixiyay jawaab kulul.
Markii la weydiiyay haddii uu doonayo inuu noqdo khabiir falanqeeya finalka, Klopp ayaa ku jawaabay: “Taageere ayaa noqon doonaa, ma noqon doono khabiir ciyaarta falanqeeya. Miyaad waalan tahay? Ma waxaan ka hadlaa sida loo guuldarreysto final Champions League!! ma guul weyn baa (inaan ka hadlo inaan guuldareystay final Champions League)”
Klopp ayaa tababare u ahaa Dortmund markii ugu danbeysay ee ay gaareen finalka Champions League, waxaana koobka ka qaaday Bayern Munich 2013kii, wuxuuna ahaa mid aad u faraxsan markii ay kooxdiisa hore garaacday PSG si ay u gaarto finalka isagoo yiri: “Xaqiiqdii aad ayaan ugu faraxsanahay. Waa wax lagu riyaaqo in la daawado. Waa guul aad iyo aad u weyn.”