Tababaraha xulka qaranka Brazil ayaa ku dhawaaqay liiska xulka qaranka dalkiisa ee ka qayb-geli doona tartanka qaramada Latin America ee Copa America ee bisha January bilaabmi doona, waxaana ka maqan xiddigo waaweyn sida Richarlison oo weerarka uga ciyaara Tottenham, Casemiro oo ah burburiyaha Manchester United, Matheus Cunha oo dhaawac kaga maqan Wolves iyo Gabriel Jesus oo Arsenal ay kaydka dhigtay.
Tababaraha Doríval Junior ayaa waxa kale oo liiska xiddigihioisa uu ka saaray Bremen oo difaaca uga ciyaara Juventus iyo Carlos Augusto hase yeeshee waxa sidii la filayey aan meelnaba liiska kasoo gelin Neymar Jr oo dhaawac ku maqnaa inta badan xilli-ciyaareedkan.
Tartanka Copa America oo sannadkan qoraya taariikh cusub oo bisha July lagu ciyaari doono garoonka Rock Stadium ee Florida oo loo qorsheeyey finalka, ayaa waxa xulka Brazil hoggaamin doona saddexda weeraryahan ee Real Madrid ee Vinicius Junior, Rodrygo Goes iyo 17 jirka ay Los Blancos sugayso bisha July ee Endrick
Xulka qaranka Brazil ee ka qayb-gelaya tartanka Copa America oo dhamaystiran
Goolhayeyaal: Alisson (Liverpool), Bento (Athletico Paranaense), Ederson (Manchester City)
Difaacyahanno: Beraldo (PSG), Eder Militão (Real Madrid), Gabriel Magalhães (Arsenal), Marquinhos (PSG); Danilo (Juventus), Yan Couto (Girona), Guilherme Arana (Atlético Mineiro), Wendell (Porto)
Khadka Dhexe: Andreas Pereira (Fulham), Bruno Guimarães (Newcastle), Douglas Luiz (Aston Villa), João Gomes (Wolverhampton), Lucas Paquetá (West Ham)
Weeraryahanno: Endrick (Palmeiras), Evanilson (Porto), Gabriel Martinelli (Arsenal), Raphinha (Barcelona), Rodrygo (Real Madrid), Savinho (Girona), Vinicius Jr. (Real Madrid).