Jurgen Klopp ayaa qirtay inuu si edeb leh u dhaqmi doono kulanka Villa Park ee habeenka Isniinta si uu uga fogaado in la ganaaxo kulankiisa ugu danbeeya ee Liverpool.
Klopp ayaa xilli ciyaareedkan qaatay labo jaale, haddii uu qaatay mid seddexaad wuxuu seegayaa kulanka uu Liverpool ku macsalaameynayo todobaadka soo socda ee ay martigelinayaan Wolves.
Tababaraha Liverpool ayaa wacad ku maray inuu isku dayi doono wax walba oo awoodiisa ah inuu ka fogaado inuu kaadhka jaalaha ah qaatay kulanka Aston Villa.
Markii la weydiiyay haddii uu ogsoon yahay inuu halis ugu jiro in la ganaaxo, tababaraha ayaa yiri: “Waqti dheer ayaan ogaa. Dhanka kale ayaan u rogi karnaa waxaana dhihi karaa kaliya labo jaale ayaan qaatay xilli ciyaareedkan oo dhan. Tababarayaasha qaar waa la ganaaxay sow sax ma ahan?
“Waan isdejiyay sannadihii ugu danbeeyay sida iska cad. Qasab iguma ahan inaan kursiga keydka fariisto maalinta ugu danbeysa xilli ciyaareedka laakiin waan jeclaan lahaa. Waxaan isku dayi doonaa wax walba oo awoodeyda ah inaanan qeyb ka noqonin doodaha garsoorka.”
Ciyaarta ugu danbeeya Jurgen Klopp ee waayihiisa Liverpool waxay dhaceysaa maalinta Axada ee 19ka bishaan May iyagoo Anfield kula ciyaaraya Wolves.