Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Koobka Adduunka

“BBC Xushmad Darro Xun Ayay U Muujisay Qatar, Waana Laba Wajiilayaal”

by Saed Mohamed
November 20, 2022
0
“BBC Xushmad Darro Xun Ayay U Muujisay Qatar, Waana Laba Wajiilayaal”

Joornaaliistaha caanka ah Piers Morgan ayaa aaminsan in BBC ay xushmad darro xun u muujisay Qatar ka dib markii ay baahin waayeen xafladii lala dhacay ee furitaanka Koobka Adduunka.

Ka hor kulankii fuirtaanka ee Al Bayt Stadium, fanaanka Jung Kook oo ka tirsan koox faneedka reer South Korea ee BTS iyo fanaanka reer Qatar Fahal Al Kubaisi ayaa ka soo heesay xaflada furitaanka.

Aktarka Mareykanka ee Morgan Freeman ayaa sidoo kale daadihiye ka ahaa si la mid ah hindisaaga reer Qatar Ghanin Al Muftah oo ah ambasadoorka Koobka Adduunka oo ku dhashay naafonimo.

Laakiin daawadayaasha TV-ga BBC ayaa awoodi waayay inay daawadaan xaflada furitaanka iyadoo BBC aysan xitaa hal muuqaal oo dabaaldega furitaanka ah ka baahinin TV-geeda.

Bedelkii ay xaflada furitaanka baahin lahaayeen, Gary Lineker oo ah soo jeediyaha BBC ee Koobka Adduunka ayaa wuxuu muddo daqiiqado ah cambaareynayay dalka martigelinaya ee Qatar.

Taageerayaasha kubada cagta ee UK ayaa cabasho ka gudbiyay BBC, waxaa isna sidoo kale cambaareeyay falka BBC ay ku kacday joornaaliistaha Piers Morgan.

Wuxuu Twitter soo qoray: “Waa xushmad darro aad u xun oo loo muujiyay Qatar in BBC ay baahin weyso xafladii furitaanka ee Koobka Adduunka, taas bedelkeeda waxay ka hadlayeen sida Koobka Adduunka u xun yahay.

“Haddii ay sidaas uga xun yihiin Koobka Adduunka, waa inay dalka ku soo celiyaan ciidanka shaqaalaha ah ee ay u direen Koobka Adduunka islamarkaana ay naga qarsadaan labada wajiilenimada.”

Morgan Piers ayaa sidoo kale u jawaabay qof u soo qoray: “Maalin walba oo isbuuca ka mid ah ayaan xushmad dareynayaa Qatar” isagoo yiri: “Waad sameyn kartaa wixii aad doonto laakiin anigana kuma qasbani inaan bixiyo lacagta leysanska si aad xushmad darradaada u soo bandhigto.”

Morgan ayaa ula jeeda hadalkiisaas in dadka Ingariiska ay bixiyaan leysan TV oo ay siiyaan BBC madaama ay tahay warbaahin qaran.

ADVERTISEMENT
ADVERTISEMENT
ADVERTISEMENT

Sidoo Kale Akhri

Jurgen Klopp Oo Uu Samirkii Ka Dhamaaday & Afarta Ciyaartoy Ee Uu Birta Dhaafinayo

Liverpool Oo Soo Xirtay Suuqeeda Kala Iibsiga Xilli Laga Reebay FA Cup

January 29, 2023
Liverpool Oo £53 Milyan Oo Gini Dul-dhigtay Xiddiga Lagu Naanayso ‘Xabi Alonso-ha Cusub’

Jurgen Klopp Oo Shaaciyay Labo Arimood Oo Sabab U Ahaa Guuldaradii Brighton Ee Maanta

January 29, 2023
Share455Tweet284
ADVERTISEMENT

Related Posts

Jurgen Klopp Oo Uu Samirkii Ka Dhamaaday & Afarta Ciyaartoy Ee Uu Birta Dhaafinayo

Liverpool Oo Soo Xirtay Suuqeeda Kala Iibsiga Xilli Laga Reebay FA Cup

by Saed Mohamed
January 29, 2023
0

Tababaraha Liverpool Jurgen Klopp ayaa meesha ka saaray in kooxdiisa ay ciyaartooy la soo wareegeyso maalmaha yar ee ka haray...

Liverpool Oo £53 Milyan Oo Gini Dul-dhigtay Xiddiga Lagu Naanayso ‘Xabi Alonso-ha Cusub’

Jurgen Klopp Oo Shaaciyay Labo Arimood Oo Sabab U Ahaa Guuldaradii Brighton Ee Maanta

by Saed Mohamed
January 29, 2023
0

Tababaraha kooxda Liverpool Jurgen Klopp ayaa shaaca ka qaaday labo arimood oo u sabab u ahaa guuldaradii 2-1 ee maanta...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.