Tiibasho Ku Dhacday Thiago Silva Oo Qarka U Saartay Inuu U Geeriyoodo & Xaaskiisa Oo Badbaadisay Waayihiisa Ciyaareed

Thiago Silva ayaa ka mid ah daafacyada ugu fiican jiilkiisa laakiin in ka badan 10 sannadood ka hor xiddiga reer Brazil wuxuu qarka u fuulay geeri ka dib markii ay ku dhacday cudurka tiibashada.

Daafaca dhexe ee Chelsea oo 36 sanno jir ah ayaa laga helay tiibasho isagoo u ciyaarayay kooxda Dynamo Moscow sannadkii 2005.

Markaas waxay da’diisa aheyd 21 sanno jir iyadoo cusbitaal loo dhigay muddo lix bilood ah oo ay dhakhaatiir Ruush ah ka daweynayeen iyadoo cudurka uu ku dhacay lix bilood ka hor inta uusan la xanuunsanin.

Tiibashad ayaa ku noqotay mid halis ah iyadoo xitaa dhakhaatiirta ay ka fiirsadeen inay bixiyaan qeyb ka mid ah sanbabadiisa si loo badbaadiyo.

Laakiin hooryadiisa Angela iyo xaaskiisa Isabelle ayaa ka soo horjeestay in qaliinkaas lagu sameeyo taasoo soo gabagabeyn laheyd waayihiisa ciyaareed ka hor inta uusan bilaabaninba.

“Waxay taaso gabo gabo u noqon laheyd waayaheyga ciyaareed, waxaan u baahnaa in hooyadeey iyo xaaskeyga ay i badbaadiyaan” ayuu Silva u sheegay AP.

Silva ayaa kooxda Dynamo Moscow kaga soo biiray FC Porto bishii Janaayo 2005 isagoo ku tagay heshiis 3.5 milyan ginni ah.

Inkasyoo uusan hal kulan xitaa u dheelin kooxda reer Portugal marka laga reebo inuu u dheelay da’ yartooda, Dynamo ayaa khamaar ku gashay xiddig aan la aqoonin.

Laakiin dhakhaatiirta kooxda ayaa la yaab ay ku noqotay in Silva uu dhaqso daalayo. Silva ayaa aad u xanuunsaday isagoo heerkulkiisa uu sarre u kacay, qufac badan iyo dhidid aad u badan.

Dhakhaatiirta markii ay baareen waxay ogaadeen inuu hayo tiibasho, islamarkaana ay heysay muddo lix bilood ah.

Waxay dhakhaatiirta u sheegeen inuu labo isbuuc u jiro geeri islamarkaana uu nasiib ku leeyahay inay ogaadeen cudurka haya.

Silva ayaa Russia isaga tagay sannadkii 2006 isagoo ku laabtay kooxda dalkiisa ee Fluminense ka dib wuxuu u ciyaaray AC Milan iyo PSG iyo haatan uu Chelsea joogo.

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*