Chelsea ayaa la kulantay dhabarjab aad u weyn iyadoo xiddigooda khadka dhexe uu seegi doono inta ka harsan xilli ciyaareedkan.
Xiddiga khadka dhexe ayaa haatan tartan u galaya inuu taam u noqdo koobka Copa America ee xagaagan la dheelayo.
Fernandez ayaa la dhibanaa bog-dilaac ama eerno muddo ka badan bil sida ay qortay jariirada Argentina ee Ole.
Waxay tani saameyn ku yeelatay gumaarkiisa gaar ahaan inta u dhaxeysa uur ku jirta iyo sinta, waxaana qasab noqotay in la qalo.
Chelsea ayaa rajo ka qabtay in dhaawaca la daweeyo iyadoo Fernandez aan mindida la saarin, iyadoo 23 jirkaan uu la hadlay dhakhtar ay wada shaqeeyeen waqtigiisii River Plate.
Laakiin tashi uu la sameeyay shaqaalaha caafimaadka xulka Argentina waxaa la go’aansaday in qaliin uu yahay talaabada ugu fiican ee la qaadi karo.
Fernandez ayaa qaliinka maray shalay iyadoo xilli ciyaareedka Chelsea uu noqday mid fashil ku dhamaaday madaama laga reebay koobka FA Cup.
Waxa uu qaliinka ka soo bogsan doonaa muddo bil ka badan, ka dibna wuxuu bilaabi doonaa tababarka shaqsiga ah ka hor inta uusan taam buuxda noqonin mar kale.
Xiddiga ku guuleystay Koobka Adduunka ayaa haatan diirada saaraya inuu soo bogsado islamarkaana uu diyaar u noqdo kulanka furitaanka Copa America ee 21ka bisha Juun.
Da’ yarkaan ayaa muhiim u ah wadankiisa inkastoo uu xilli ciyaareedkan eedeymo badan la kulmay intii uu u ciyaarayay Chelsea.