Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa dhamaystirtay saxeexeedii koowaad ee suuqa iibka ciyaartoyda xagaaga ee aan wali furmin, waxaanay ku garaacday naadiyo waaweyn oo ay ugu mudan tahay Barcelona oo uu ka dhexeeyo xafiiltan ciyaareed iyo mid dhinaca suuqaah.
Real Madrid oo hore u beddeshay falsafaddeeda dhinaca suuqa oo ciyaartooyo da’doodu yar tahay urursanaysay, ayaa waxa ay ka dagaallantay in Barcelona ay hesho ciyaartoy kale oo raaca raadka Gavi, Lamine Yamal iyo Pau Cubarsi, waxaanay ka hor qaadday xiddig diiraddu u saarnayd Xavi Hernandez iyo Joan Laporta oo hadda ay Los Blancos u diyaarsanayso mustaqbalka.
Real Madrid ayaa waxa ay la saxeexatay laacibka da’da yar ee Joel Perez oo ay kala soo wareegtay kooxda reer Catalonai ee Espanyol, waxaana si toos ah loo geynayaa kulliyadda da’yarta Real Madrid oo lagu barbaarin doono.
Perez ;oo ah ciyaartoy hibadiisu sarrayso, isla markaana leh xawaare dheereeya oo dhinaca orodka ah iyo maamulka kubadda oo uu ku wanaagsan yahay ayaa waxa uu dhashay sannadkii 2008, waxaase uu soo jiitay labada kooxood ee ugu waaweyn Spain ee Real Madrid iyo Barcelona oo dagaalkoodii uu ku adkaatay Real Madrid.