Roy Keane iyo Ian Wright ayaa dood kulul ka yeeshay kabtanka Manchester United Bruno Fernandes.
Fernandes oo 29 sanno jir ah waa shaqsi muran badan dhaliya islamarkaana caawiya kooxdiisa mar walba oo ay u baahato.
Dadka qaar ayaa ku dooda in inkastoo uu Bruno Fernandes yahay xiddig tayo leh hadana inuusan u qalmin inuu noqdo kabtanka Man United madaama uu carro badan yahay oo uusan dhiirogelinin ciyaartoydiisa.
Si kastaba, halyeeyga Arsenal Ian Wright ayaa taageeray xiddiga Portugal isagoo yiri:
“Waxaan aaminsanahay in Bruno uu yahay guuleyste. Wuu niyadjabay. Wax walba oo aan ka dhahno qaladaadkiisa iyo inuu gacmaha kor u taagtaago marka ay wax qaldamaan hadana waa ciyaaryahan isku dayaya inuu isbedel sameeyo.”
Si kastaba, halyeeyga Man United Roy Keane ayaa hadalkaas ka soo horjeestay isagoo yiri: “Wax uu ku guuleystay ma jirto waayihiisa ciyaareed, waana 29 sanno jir. Muxuu ku guuleystay waayihiisa ciyaareed?”
Wright ayaa ku jawaabay: “Waxba kuma guuleysanin. Laakiin doonistiisa ah inuu guuleysto ayaa ka dhigeysa inuu sarre u qaadayo heerka kooxda.
“Hadii aad Bruno ka saarto Man United, kooxda uma soo dhawaaneyso xitaa halka ay hadda joogto.”
Keane ayaa ku jawaabay: “Waan ogahay inuu yahay xiddig tayo leh. Laakiin miyuu caawiyaa ciyaartoyda, miyuu ka dhigaa kuwa ka fiican sidii hore? jawaabta boqolkiiba boqol waa maya. Wuu jecel yahay inuu natiijo ahaan kooxda badbaadiyo taasoo ah wax fiican, laakiin waa inuu sidoo kale ciyaartoyda kale ku soo jiido heerkiisa.
“Waxaan ka hadleynaa ciyaartooy tayo leh laakiin mararka qaar waxaad u baahan tahay shaqsiyada ciyaaryahanka, inuu ciyaaryahanka xariiqda ku gudbiyo kulamada waa weyn.”
Wright ayaa yiri: “Bruno sidaas wuu sameeyaa” ka hor inta uusan Keane ku jawaabay: “Aaway cadeynta? Aaway cadeynta?”
Wright ayaa yiri: “Qaabka uu u ciyaaro iyo qaabka uu u badbaadiyo kooxda.”
Keane ayaa yiri: “Ma kooxda ayuu badbaadiyaa? Eeg, waxba kuma uusan guuleysanin waayihiisa ciyaareed. Waxba kuma guuleysan waayihiisa ciyaareed. Eeg CV-giisa. Haddii uu yahay ciyaaryahankaaga kuugu fiican waa inuu sidoo kale mas’uuliyad qaadi karaa”
Maxay kula tahay doodaan? Yaa saxan Ian Wright mise Roy Keane.