Tababaraha kooxda kubadda cagta Barcelona ee Xavi Hernandez ayaa shaaciyey in uu sii joogayo kooxdaas oo uu ka noqday go’aankiisii hore ee ahaa in uu dhamaadka xilli-ciyaareedkan ka tegi doono Camp Nou, balse hadda uu go’aansaday inuu sii joogayo.
Xavi Hernandez oo maanta saxaafadda la hadlay ayaa waxa uu sheegay in duruufihii ku kallifay go’aanka iscasilaadda bishii January ay hadda meesha ka baxeen, inkasta oo ay kooxdiisu koobab la’aan ku dhamaysanayso xilli-ciyaareedka.
44 jirkan oo xilli-ciyaareedkii hore kooxdiisa Barcelona u qaaday horyaalka Laliga, ayaa hadda quus taagan oo 11 dhibcood ay kooxdiisu ka dambaysaa Real Madrid, halka Champions League ay wareeggii siddeedda ku reebtay Paris Saint-Germain.
Saxaafadda oo uu la hadlay maanta ayaa waxa uu Xavi ku sheegay, in uu hadda taageero badan ka helay taageereyaasha kooxda, isla markaana uu dareemayo in ay kooxdu heshay xasilloonidii lagama maarmaanka ahayd ee ay u baahnaayeen, sidaas daraadeedna uu ugu negaaday kooxda oo uu uga noqday go’aankiisii hore.
“Qof kasta wuu ogyahay dareenkayga kooxdan. Mar walba waxa aan isku dayayey in aan sameeyo waxa u fiican Barcelona, sababtoo ah waa koox aan si fiican u garanayo waxa ugu muhiimsan ee aan ka fikirayaana waa kooxda.” Ayuu yidhi Xavi.
Waxa uu intaa ku daray: “Shalay waxa aan sheegay in shaqadaydu ku xidhnaanayso natiijooyinka, waxaanan kalsooni badan ka helay madaxweynaha, boodhka iyo dhamaan shaqaalaha, waxa ugu muhiimsanna waa in taageerada ciyaartoydayda.
“Waxa aanu dhamaantayo rumaysanahay baahida ah in lasii wado mashruucan, sidoo kalena waan u sheegay madaxweynaha in aanu aaminsanahay xasilloonida kooxda, waxaanan hadda karayaa in mashruucan aanu wali dhamaanin. Waxa aanu u baahanahay in aanu sii wadno, in aanu si fiican usii wada shaqayno. Waxay u muuqataa in aanaan wax koob ah ku guuleysanayn, laakiin hore ayaanu ugu guuleysanay waxaananu u baahanahay in Barca ay fahamto tan iyo in aanu si adag u shaqayno, sababtaas ayaan u beddelay go’aankayga.”