Rajada ay Premier League ay ka qabaan inay boos dheeri ah ka helaan Champions League ayaa ceel ka raaracda.
Ka hor xilli ciyaareedkan socda, waxaa la xaqiijiyay in labo ka mid ah horyaalada ugu waa weyn Yurub in lagu abaalmarin doono boos dheeri ah oo Champions League ah xilli ciyaareedka soo socda.
Waxay tani qeyb ka tahay qorshaha lagu balaariyay tartanka oo haatan laga dhigay 36 kooxood.
Labada horyaal ee ugu sareeya qiimeynta UEFA ayaa helaya boosaska dheeriga ah.
Iyadoo Manchester City, Arsenal, Liverpool iyo West Ham dhamaantood laga soo reebay Champions League iyo Europa League, fursada England ee inay hesho boos dheeria h waxay ku xiran tahay Aston Villa oo ku jirta tartanka Europa Conference League.
Horyaalka Talyaaniga ayaa durba xaqiijistay hal boos oo dheeri ah Champions League xilli ciyaareedka danbe, halka booska soo haray ay ku dagaalamayaan horyaalka Bundesliga iyo Premier League.
Sida ay sheegtay ESPN, Jarmalka waxay u baahan yihiin labo guul ama guul iyo labo barbaro si ay u xaqiijistaan booska dheeriga ah ee Champions League.
Germany waxaa semi-finalka Champions League u jooga Bayern Munich iyo Borussia Dortmund, halka Bayer Leverkusen loo saadaalinayo hanashada koobka Europa League.
Si ay England u hesho booska dheeriga ah waa inay Aston Villa badiso kulan walba oo ay ku guuleysato Europa Conference League islamarkaana ay ku duceystaan in kooxaha Jarmalka ay ku jabaan semi-finalka.