Mid Kamida Xiddigaha Ugu Fiican Man United Oo Si Cad Bixitaan U Dalbaday & Kooxda Uu Doonayo Oo Uusan Qarsanin

Weeraryahanka kooxda Manchester United ee Edinson Cavani oo kamid ah xiddigaha xilli ciyaareedkan ugu fiican kooxdaas ayaa si cadaan ah u muujiyay rabitaankiisa ah inuu baxo.

Cavani ayaa qaab bilaash ah Man United ugu soo biiray xagaagii sanadkii hore isaga oo PSG kaga yimid, walow uu usoo dulqaatay inuu qaab liita ku bilawday nolosha Old Trafford haddana waxa uu noqday mid kamid xiddigaha ugu muhiimsan shaxda tababare Ole Gunnar Solskjaer dhawaanahan.

Gool dhaliyahan ruug-caddaaga ah ayaa saddex gool usoo dhaliyay United saddexdiisii kulan ee ugu dambeeyay kooxda ayaana doonaysa inay xilli ciyaareedka dambe sii haysato oo ay heshiiskiisa gaadhsiiso.

Si ka duwan aragtida masuuliyiinta Man United, Cavani ayaa rabitaankiisa bixitaan u caddeeyay shaqsiyaadkaas kaddib kulan uu la qaatay sida lagu sheegay il-wareedka Argentina kasoo baxa ee Depo.

Cavani ayaa u sheegay Man United inuu doonayo ku laabashada South America si uu ugu dhawaado qoyskiisa, warbixinta Depo ayaa lagu sheegay in Cavani uu diidayo kooxo ree Brazil ah oo doonaya si uu ugu biiro kooxda ree Argentina ee Boca Juniors oo uu ku riyoonayo.

Horraantii bishan ayay ahayd markii tababare Ole Gunnar uu amaanay saamaynta uu Cavani ku yeeshay xiddigaha kale ee kooxda isaga oo dhinaca kale xusay inuu u furan yahay go’aan ka gaadhista mustaqbalkiisa.

Cavani ayaa xilli ciyaareedkan tartamada oo dhan 10 gool uga soo dhaliyay Red Devils isaga oo 8 kamida goolashaas kasoo dhaliyay Premier League oo uu 11 kulan kusoo bilawday.

Gool dhalinta Edi ee waayihiisa ciyaareed ayaa ah mid cajiib ah, waxa uu 363 gool kusoo dhaliyay 617 kulan oo uu suu ciyaaray isaga oo kamid ah weeraryahanada Yurub ee jiilkiisa kuwa ugu fiican.

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*