Sannadkii tegay ee 2022 waxa uu Arsenal u ahaa mid cajiib ah oo ay soo qaateen xasuusihii ugu wanaagsnaa, waxaanay ku dhamaysteen iyadoo ay ku jirto riyo ay ugu dambaysay 20 sannadood ka hor, taas oo ah inay ku guuleysanayaan horyaalk Premier League.
Gunners oo toddoba dhibcood ku haysa hoggaanka horyaalka Premier League, waxay caawa garoonkeeda Emirates Stadium kusoo dhoweyn doontaa kooxda lacagta badan uu Sucuudigu ku maalgeliyey ee Newcastle United, waxaanay ogyihiin in haddii aya guuleystaan ay toban dhibcood ku qaban doonaan hoggaanka.
Taariikhda ma dhicin koox waqtigan oo kale ee curashada sannadka cusub toddoba dhibcood ku hoggaaminaysa in laga qaado horyaalka, waana rikoodh soo jireen ah oo Mikel Arteta iyo xiddigihiisa niyadda u dhisaya, kuna riixaya inay dedaalka sii kordhiyaan.
Laakiin waxay dhinaca kale ogyihiin in ciyaarta caawa ay fure u noqon karto hammigooda sababtoo ah Newcastle oo ah koox dhisan iyo inay hordhac u tahay kulamo adag oo ay macquul tahay inay dhibco lumiyaan, waxaana ugu xigaya Tottenham, Manchester United, Everton, Brentford iyo Manchester City.
Tababare Mikel Arteta oo soo saaray liiska ciyaartoydiisa kulanka caawa, ayaanu jirin wax culays ama dhaawacyo cusub ah oo soo gaadhay, balse xiddiga Brazil ee Gabriel Jesus ayaa muddo dheer jiifaya, iyadoo dhinaca kalena uu soo laabtay Emile Smith Rowe oo muddo dheer garoomada ka maqnaa.
Liiska ciyaartoyda Arsenal ee kulanka Newcastle United ee caawa
Goolhayeyaal: Aaron Ramsdale, Matt Turner, Karl Hein.
Difaacyahanno: Ben White, Gabriel Magalhaes, Rob Holding, William Saliba, Kieran Tierney, Oleksandr Zinchenko, Takehiro Tomiyasu, Lino Sousa.
Khadka Dhexe: Granit Xhaka, Thomas Partey, Albert Sambi Lokonga, Martin Odegaard, Fabio Vieira, Mohamed Elneny, Matt Smith, Amario Cozier-Duberry, Ethan Nwaneri.
Weeraryahanno: Bukayo Saka, Gabriel Martinelli, Eddie Nketiah, Marquinhos, Emile Smith Rowe.