Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Suuqa Kala Iibsiga

DEG-DEG: Liverpool Oo Tallaabo U Jirta Cody Gakpo Oo Ay Dalabkiisa Gudbisay & Man United Oo Quusatay

by Abdiwahab Ahmed
December 27, 2022
0
DEG DEG: Cristiano Ronaldo Oo Helay Dalab Seddex Sannadood Ah Oo Ku Kacaya 225 Milyan Doolar

Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa qarka u saaran saxeexa xiddiga reer Netherlands ee Cody Gakpo oo maanta ay dalab rasmi ah ka gudbisay, waxaana hadda socda wada-hadallo heerkoodu sarreeyo oo lagu soo gunaanadayo heshiiska ay Liverpoolkula soo wareegayso gool-dhaliyahan.

ADVERTISEMENT

Liverpool ayaa gudbisay dalab xambaarsan £50 milyan oo Gini oo dhawr waji lagu kala bixinayo, waxaana ku qanacday PSV Eindhoven oo markiiba la xidhiidhay ciyaartoygii ay ku beddeli lahaayeen Gakpo oo bisha January kasoo degi doona Anfield.

Labada kooxood ee Liverpool iyo PSV Eindhoven ayaa heshiiska iibka Cody Gakpo kala saxeexday daqiiqado ka hor, waxaana uu 23 jirkani maalmaha soo socda u duuli doonaa Ingiriiska oo uu tijaabada caafimaadka ugu mari doono Liverpool.

Jurgen Klopp oo kooxdiisu ay la dhibaatoonayso dhaawacyo tiro badan, isla markaana ay ka maqan yihiin saddexda afka hore ee Luis Diaz, Roberto Firmino iyo Diogo Jota ayaa waxay u shubi doontaa PSV Eindhoven £37 milyan oo Gini oo hadda la bixinayo iyo £13 milyan oo Gini oo kale oo ku xidhnaan doona bandhigga iyo guulaha uu laacibkani la gaadho Reds.

ADVERTISEMENT

Manchester United oo hore u doonaysay Gakpo oo uu isaguna aqbalay bishii August ayay PSV Eindhoven u diidday sababo la xidhiidha dhinaca lacagta iyo in ay waqtigaas doonayeen inay sii haystaan si ay horyaalka ugula tartamaan Ajax, hase yeeshee bisha January ayay hadda aqbaleen in ay ka iibiyaan Liverpool.

Sidoo Kale Akhri

“Mudaneyaal & Marwooyin, Sababtan Darteed Ayaanay Arsenal Ugu Guuleysanaynin Horyaalka Premier League”

“Mudaneyaal & Marwooyin, Sababtan Darteed Ayaanay Arsenal Ugu Guuleysanaynin Horyaalka Premier League”

January 28, 2023
Tababaraha PSG Oo Markale Madfac Ku Tuuray Messi Iyo Neymar & Masuuliyada Kooxda Ee Uu Uga Dhaartay

Tababaraha PSG Oo Markale Madfac Ku Tuuray Messi Iyo Neymar & Masuuliyada Kooxda Ee Uu Uga Dhaartay

January 28, 2023

Cody Gakpo to Liverpool, here we go! The deal has been signed between the two clubs 🚨🔴 #LFC

Gakpo will travel to England in the next days to undergo medical tests and then sign the contract. pic.twitter.com/tmWJh68WQV

— Fabrizio Romano (@FabrizioRomano) December 26, 2022

Wariyaha ciyaaraha ee Fabrizio Romano ayaa xaqiijiyey in aanay marnaba Manchester United dalab rasmi ah ka gudbin Gakpo, wax kasta oo ku saabsan laacibkanna uu ahaa xiise ay Red Devils u muujinaysay.

Si kastaba ha ahaatee, Jurgen Klopp ayaa sii wada inuu ka adeegto suuqa bisha January oo uu sannad ka hor la saxeexday Luis Diaz oo garabka bidix ka dheela balse haddana sidii uu kale uu ula saxeexanayo Cody Gakpo oo isaguna booska garabka bidix ka ciyaara balse qaab-ciyaareedkiisu ka duwan yahay midka Diaz.
ADVERTISEMENT
Share306Tweet191
ADVERTISEMENT

Related Posts

“Mudaneyaal & Marwooyin, Sababtan Darteed Ayaanay Arsenal Ugu Guuleysanaynin Horyaalka Premier League”

“Mudaneyaal & Marwooyin, Sababtan Darteed Ayaanay Arsenal Ugu Guuleysanaynin Horyaalka Premier League”

by Abdiwahab Ahmed
January 28, 2023
0

Taageereyaasha kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa niyad-jab weyn muujiyey kaddib guul-darradii koowaad ee soo gaadhay kooxdooda muddo ka badan saddex...

Tababaraha PSG Oo Markale Madfac Ku Tuuray Messi Iyo Neymar & Masuuliyada Kooxda Ee Uu Uga Dhaartay

Tababaraha PSG Oo Markale Madfac Ku Tuuray Messi Iyo Neymar & Masuuliyada Kooxda Ee Uu Uga Dhaartay

by Apdihakem Omer Adam
January 28, 2023
0

Tababaraha kooxda Paris Saint-Germain ee Christophe Galtier ayaa ka hadlay markale kabtanada kooxdiisa iyadoo dhawaan si qaldan loo qaatay hadal...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.