Weeraryahanka Tottenham Richarlison ayaa go’aanasaday inuu dushiisa ku shabadeeyo sawirada wajigiisa iyo wejiyada Neymar iyo Ronaldo.
25 jirkaan ayaa ahaa xiddigii ugu goolasha badnaa Brazil Koobkii Adduunka isagoo dhaliyay seddex ka mid ah sideedii gool ee ay Brazil dhalisay, wuxuuna ahaa mid ooyay ka dib markii Brazil lagu reebay wareega sideed dhamaadka.
Ka dib markii ay ka soo hareen Koobka Adduunka Richarlison ayaa go’aansaday inuu dushiisa ku shabadeeyay saaxiibkiisa xulka Brazil Neymar iyo halyeeyga Brazil Ronaldo.
Ciyaaryahanka ayaa Instagram soo dhigay sawirada isagoo la shabadeynayo, wuxuuna sheegay inaan weli la dhameystirin oo ay howli ku socoto.
Inkastoo lagu soo reebay wareega sideed dhamaadka hadana Richarlison wuxuu Koobka Adduunka u ahaa mid guul ah garoonka dhexdiisa iyo banaankiisaba.
Xiddigii hore ee Everton ayaa bogiisa Instagram waxaa ku korortay seddex milyan taageerayaal ah ka dib markii uu dhaliyay labadii gool ay Brazil kaga badisay Serbia.
Waxa uu sidoo kale la kulmay halyeeygii uu ku dayanayay ee Ronaldo ka dib kulankii ay 4-1 uga badiyeen South Korea.
Richarlison ayaa farxad darteed la ooyay markii uu la kulmay Ronaldo isagoo yiri: “Ma hadli karo xitaa” ka dib markii uu amaan kala kulmay Ronaldo kaaso yiri.
“Waa inaad i barto sida loo sameeyo jaaska qooleyda. Xitaa waxaa Tite ka dhigtay mid jaasaya. Seddex kulan ayaa ku hartay, finalka waxaad tintaada u xiiran doontaa sidii aan sameeyay 2002dii.”