Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa ka walaacsan xaaladda xiddigga reer England ee Jude Bellingham oo fayras ku dhacay uu saamayn ku yeeshay muruqyada jidhkiisa isla markaana ku abuuray daal sabay inuu awoodi waayo inuu dhamaysto kulankii Bayern Munich ee lugta hore ee semi-finalka Champions League.
Jude Bellingham oo 37 ciyaarood oo uu u saftay kooxdiisa Real Madrid u dhaliyey 21 gool, sidoo kalena caawiyey 10 kale ayaa waxa laga saaray ciyaartii Bayern Munich isaga oo is-dhaqaajin kari la’.
20 jirkan oo ku tartamaya abaal-marinta kabta dahabka ah oo ay isku haystaan Artem Dovbyk, Alexander Sørloth, Ante Budimir iyo Robert Lewandowski ayaa waqtigii ay kooxdiisu ugu baahida badnayd uu ku ku dhacay Fayras.
Carlo Ancelotti oo saxaafadda la hadlay xalay markii ay soo dhamaatay ciyaartii Bayern Munich ayaa sheegay, in sababtii uu u beddelay Jude Bellingham ay ahayd dal badan uu dareemayey, inkasta oo ciyaar uu dheelo ay ugu dambaysay Jimcihii oo ay guul ka gaadheen Real Sociedad.
Sida ay warbaahinta Spain sheegayso, Jude Bellingham ayaa waxa ku dhacay Fayras ka abbaaray muruqyada iyo kala-goysyada oo sababay inuu dareemo daal iyo tamar la’aan, waxaana ay kooxdiisu ku ducaysanaysaa in uu taam noqdo ka hor lugta labaad ee semi-finalka Champions League ee Bayern Munich ay Arbacada soo socota wada dheeli doonaan.