Goolhayaha kooxda kubadda cagta Manchester United ee Andre Onana ayaa iska xaadiriyey garoonka diyaaradaha laba saacadood kaddib markii ay dhamaatay ciyaartii barbarraha ay garoonka Old Trafford kula galeen Tottenham, taas oo goolhayahan reer Cameroon lagu eedaynayay inuu sameeyey qalad amaba aanu sidii loo baahnaa uga halgamin goolka koowaad ee Everton.
Andre Onana ayaa waqti dambe oo xalay ahayd soo gaadhay waddanka Ivory Coast oo uu isla maantaba kula midoobayo ciyaartoyda xulka qarankiisa Cameroon.
Abbaaro 6.30pm ayay dhamaatay ciyaarta garoonka Old Trafford, waxaana uu Andre Onana tegay garoonka diyaaradaha oo uu kasoo duulay abbaaro 11pm fiidnimo waqtiga UK, isaga oo soo qaatay diyaarad khaas ah oo uu lacageeda iska bixinayo, taas oo soconaysa masaafo gaadhaysa 4,800 mile.
27 jirkan ayaa inkasta oo daal iyo qaaddiro ay isku raaceen, waxa uu haddana awooday, in uu kasoo gaadho ciyaarta xulka dalkiisa Cameroon iyo Guinea oo ay ku wada jiraan Group C, iyadoo kulamadoodu ay ka dhacayaan magaalada Yamoussoukro.
Toddoba saacadood ayuu diyaaradda soo saarnaa Andre Onana taas oo ka dhigan in uu saaka soo gaadhay waddanka Ivory Coast, iyadoo ciyaartooda maantuna bilaabmayso abbaaro 5pm waqtiga UK.
Fabrice Ondoa oo ay ilmo-adeer yihiin Andre Onana oo ka ciyaara horyaalka heerka saddexaad ee Faransiiska ayaa la filayaa in uu kusoo bilowdo ciyaarta Cameroon vs Guinea ee maanta, laakiin tababare Rigobert Song oo u ciyaari jiray kooxaha Liverpool iyo West Ham, ayaa go’aankiisa gaadhi doona marka ay tashadaan Onana.
Group C waxa Cameroon ku wehelinaya waddamada Guinea oo ay ku jiraan Naby Keita iyo Serhou Guirassy, Senegal oo ah dalka difaacanaya Koobka iyo Gambia oo ay kubaddiisu horumar badan samaynaysay tobankii sannadood ee ugu dambeeyey.