Laba kooxood oo horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League aha ayaa lagu wargeliyey in maanta oo Isniinta lagu ridayo ganaaxyo, kaddib markii lagu helay dembiyo culus oo ah inay jabiyeen sharciga dhaqaalaha, iyagoo isticmaalay lacag ka badan intii loo ogolaa.
Kooxahan ayaa la sheegay in laga jari doono dhibco, kuwaas oo uga sii dari doona xaalad adag oo ay marka horeba naadiyadani ku jireen.
Everton oo hore looga jaray 10 dhibcood laakiin awoodday inay kasoo kabato oo ay timaaddo kaalinta 17aad iyo Nottingham Forest ayaa la sheegay inay yihiin kooxaha maanta lagu ridayo ganaaxyada cusub ee haddana dhibcaha laga jarayo.
Wargeyska Daily Mail ayaa shaaciyey, in Nottingham Forest ay isticmaashay lacag ka badan intii uu sharcigu u ogolaa, laakiin ay woxoogaa iskaga khafiifisay ciqaabta markii ay Brennan Johnson kaga iibisay Tottenham lacag dhan £47.5 bishii August.
Sharciga Premier League ayaa waxa uu dhigayaa, in kooxna aanay diiwaangelin karin wax ka badan £105 milyan oo Gini oo khasaare ah saddexdii sannadood ee ugu dambeeyey, laakiin Nottingham Forest ayaa waxa sannadkii ugu dambeeyey oo kaliya ay gashay khasaare dhan £45.6 milyan oo Gini, taas oo ka mid ahayd sababihii ay u iibiyeen Johnson.
Premier League ayaa laga sugayaa in uu maanta shaaciyo ganaaxa uu ku ridayo Everton oo horeba loogu ciqaabay toban dhibcood horraantii xilli-ciyaareedkan, iyo Nottingham Forest oo iyadana ay u bilaabmi doonto xaalad silic ah.