Wareegga sideedda tartanka Champions League ayaa caawa lasoo gabogabayn doonaa iyadoo kooxaha Ingiriiska ah ee Arsenal iyo Manchester City ay la kala ciyaarayaan Bayern Munich iyo Real Madrid, waxaana labada soo gudbaa ay ku ballami doonaan semi-finalka oo horeba ay isku sii calaamadsadeen PSG iyo Borussia Dortmund oo xalay soo gudbay.
Xidhiidhka kubadda cagta Yurub ee UEFA ayaa si badheedh ah u go’aamiyey in kooxaha Ingiriiska ah ee Arsenal iyo Manchester City ay isku habeen ciyaaraan, inkasta oo ay arrintaasi cadho ku abuuraysay taageereyaasha, balse sababta ayaa sharraxaad dheeraad ah laga bixiyey.
Arsenal oo aan waligeed ku guuleysanin Champions League ayaa tegaysa magaalada Munich oo ay ku booqanayso Bayern, halka Man City oo halmar oo kaliya oo ahayd xilli-ciyaareedkii hore ay waajihi doonto Real Madrid oo ah kooxda ugu guulaha badan tartankan oo 14 jeer ku guuleysatay, waxaana ciyaartoodu ay ka dhacaysaa garoonka Etihad Stadium.
Labada ciyaaroodba waxa ay ka siman yihiin hal arrin oo ah in kulamadii lugtii hore ay barbarro kusoo dhamaadeen, isla markaana aanay jirin koox faa’iido haysata marka laga yimaaddo in naadiyada martida loo yahay ay caawinayaan garoomadoodu.
Taageereyaasha Ingiriiska ayaa waxa ay doorteen in ciyaaraha caawa ay ka daawadaan telefshanka TNT Sports oo ay sheegeen in muuqaalladiisu ay ka tayo fiican yihiin telefishannada kale.
Su’aasha la isweydiinayo ayaa waxa ay tahay, sababta keentay in ciyaaraha Arsenal iyo Manchester City isku hal-habeen laga dhigo oo loo kala duwi waayey, si ay daawadeyaasha Ingiriisku u helaan fursad ay laba habeen ku fiirsadaan kooxahooda dheelaya.
Sababta ayaa waxa sharraxday UEFA oo xustay in labada kooxood isku habeen looga dhigay markii ay Real Madrid iyo Atletico Madrid oo isku mid ah uu isku-aadku soo saaray in ay lugta hore ku ciyaaraan garoomadooda iyaga oo isku magaalo ah.
UEFA ayaa si badheedh ah isku habeen uga dhigtay Arsenal iyo Manchester City, si looga baaqsado in Real Madrid iyo Atletico Madrid ay lugtii hore ku dheelaan garoomadooda iyaga oo isku magaalo ah, taas oo keenaysay culays dhinaca amniga ah.