Tababaraha kooxda kubadda cagta Real Madrid ee Carlo Ancelotti ayaa mar kale bixiyey fursad lagu dili karayo naadigiisa oo uu siiyey Pep Guardiola iyo xiddigihiisa Manchester City oo ay caawa marti ugu yihiin Etihad Stadium.
Real Madrid ayaa safar ugu tagtay Manchester City lugta labaad ee wareegga siddeedda Champions Leage iyadoo ciyaartii horena ay barbarro 3-3 ah kusoo kala baxeen labada kooxood.
Carlo Ancelotti ayaa ku celiyey go’aamo uu caan ku noqday labadii sannadood ee ugu dambeeyey oo ah in uu soo saaro shaxda kooxdiisa marka ay ciyaarayaan Champions League laba saacadood ka hor waqtiga ay ciyaartu bilaabmayso, taas oo kooxaha kale siisa fursad ay ku naaqishaan, ku daraaseeyaan kaddibna xulashadooda sameeyaan marka ay arkaan shaxda Real Madrid.
Caadiyan, waxa shaxda kooxaha la shaaciyaa saacad ka hor waqtiga ay ciyaartu bilaabmayso, laakiin Carlo Ancelotti ayaa sidii horeba looga bartay waxa uu shaxdiisa kulanka xaasaasiga ah ee Manchester City ee lugta labaad ee Champions League uu shaaciyey iyadoo ay laba saacadood ka hadhsan yihiin.
Pep Guardiola ayaa haysta illaa 8:45pm si uu u daraaseeyo shaxda Real Madrid ka hor inta aanu shaxda kooxdiisa shaacinin.
Ancelotti oo soo saaray shaxda uu kula ciyaarayo Manchester City ayaa waxa uu difaaca dhexe kusoo bilaabay Nacho Fernandez oo beddelay Aurelien Tchouameni oo ganaax ku maqnaanaya kulankan oo ka garab ciyaaraya Antonio Rudiger, iyadoo dhinacyada ay ka xigaan Mendy iyo Dani Carvajal.
Khadka dhexe ee Real Madrid ayaa waxa kusoo wada bilowday Eduardo Camavinga, Toni Kroos, Fede Valverde iyo Jude Bellingham, halka weerarkana ay ka ciyaarayaan Vinicius Junior iyo Rodrygo Goes.