Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa ka ducaysanaya laba kooxood oo waaweyn oo reer Yurub ah inay isku dhacaan isku-aadka tartanka Champions League ee Jimcaha berri la samaynayo, waxaana labadaas kooxood ee ay Gunners ka baqayso magacaabay Thierry Henry.
Mikel Arteta ayay kooxdiisu jabisay inkaartii ka haysatay tartanka Champions League ee ay wareegga 16ka kaga hadhi jireen, waxaana ay Salaasadii rikoodheyaal kaa adkaadeen FC Porto si ay uga mid noqdaan siddeedda ugu dambeeye.
Magaalada Nyon ee waddanka Switzerland ayaa Jimcaha isku aad loogu samayn doonaa kooxaha Arsenal, Manchester City, Real Madrid, Barcelona, Atletico Madrid, Bayern Munich, Borussia Dortmund iyo Paris Saint-Germain oo ah siddeedda kooxood ee iskugu soo hadhay marxaladda siddeed-dhamaadka.
Halyeyga Arsenal ee Thierry Henry oo xalay ka hadlayay telefishanka CBS Sports kaddib markii ay Atletico Madrid rikoodheyaasha ku reebtay Inter Milan, ayaa waxa uu sheegay in Arsenal ay ka ducaysanayso labada kooxood ee Manchester City iyo Real Madrid oo uu ku tilmaamay kuwa ay midkood ku guuleysanayso tartanka, waxaaa uu xusay in Gunners ay doorbidayso Borussia Dortmund oo uu xusay inay tahay kooxda ugu fudud naadiyada soo gudbay.
Henry ayaa yidhi: “Anigu waqtigii aan ciyaartoyga ahaa ayaan arkay in dadka qaarkood aanay doonayn inay la ciyaaraan Arsenal, annaguna run ahaantii waxa jiray kooxo aanaan jeclayn in aanu ku dhacno, sababtoo ah way naa fiicnaayeen.
“Waxa aan xasuustaa markii aanu isku dhacnay Real Madrid ee uu qof walba nagu qoslayeyiyaga oo leh ‘Arsenal waa kooxda aanu doonayno’, markii aanu Juve ku dhacnayna waxa la lahaa, ‘waa isku-aad wanaagsan’, kaddib waxa aanu la ciyaarnay Villarreal oo ahayd koox wanaagsan waqtigaas, waxaana aanu lahayn ‘way u fiican tahay Arsenal inay iyaga la ciyaarto’, laakiin waanu awoodi weynay in aanu guuleysano finalkii.
“Hadda waxa jira laba kooxood oo waaweyn oo ku dili karaya, waa Real Madrid iyo Man City. Kuwa kale waa naadiyo aad la ciyaari karayso.”
Thierry Henry oo la weydiiyey kooxaha ugu cadcad ee uu rumaysan yahay in ay midkood ku guuleysanayso Champions League, ayaa yidhi: “Hadda waxa aynu ka hadlaynaa kooxda koobka difaacanaysa, waana Man City iyo Real Madrid oo 14 jeer ku guuleysatay oo kusoo xigta. Laakiin waynu eegi doonaa sida ay wax u dhacaan.”