Afar ciyaartoy oo ka tirsan kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa u xidh-xidhan doona horyaalka waddanka Sucuudiga oo ay dalabyo ka haystaan marka uu dhamaado xilli-ciyaareedkan socda, laakiin waa haddii ay kooxdoodu awoodi weydo inay ku qanciso inay heshiisyo cusub saxeexaan.
Xagaagii hore, xiddigo waaweyn ayaa u guuray waddanka Sucuudiga oo ay hadda ka ciyaaraan, waxaana ka mid ahaa Neymar Jr, Karim Benzema, Riyad Mahrez, N’Golo Kante, Roberto Firmino iyo kuwo kale, iyadoo uu kasii horreeyey Cristiano Ronaldo oo isagu halkaas tegay horraantii 2023.
Real Madrid ayaa hore ay kooxaha Sucuudigu uga qaateen Karim Benzema oo ay kooxdiisu doonaysay inuu sii joogo, waana sababta keentay weerar la’aanta Los Blancos maadaama waqti aanay filaynin uu go’aansaday bixitaankiisa.
Warbaahinta waddanka Spain ayaa waxa ay sheegtay, in Real Madrid ay mar kale lumin doonto xiddigo muhiim ah oo looga gacan-haadinayo waddanka Sucuudiga, waxaana ciyaartoydaas ugu horreeya Luka Modric oo isaga la filayo in aanu sinaba kusii joogin Santiago Bernabeu.
Waxa kale oo Real Madrid ay halis ugu jirtaa in ay si xor ah kaga tagaan saddexda difaac ee Nacho Fernandez, Ferland Mendy iyo Lucas Vazquez oo sida Luka Modric oo kale xor noqonaya xagaaga, kuwaas oo dhamaantood dalabyo ka haysta horyaalka Sucuudiga.
Dhinaca kale, Real Madrid ayaa isku diyaarinaysa suurtogalnimada bixitaanka ciyaartoydan, waxaanay rajaynayaan inay la saxeexan doonaan Kylian Mbappe iyo Alphonso Davies halka weeraryahanka reer Brazil ee Endrick uu soo gaadhi doono Spain bisha July.