Kooxda kubadda cagta Bayern Munich ayaa ka nafistay walwalkii dhaawacyada ee ka haystay Leroy Sane iyo Manuel Neuer ka hor ciyaarta adag ee Arsenal ee lugta labaad ee wareegga siddeedda Champions League, waxaanay labadan ciyaartoyba kusoo laabteen tababarka.
Tababare Thomas Tuchel ayaa shaaciyey in Leroy Sane iyo Manuel Neuer ay kasoo kabteen dhaawacyo soo gaadhay oo ay ciyaari doonaan kulanka Arsenal ee Arbacada habeen dambe.
Arsenal ayaa safar ku tegaysa garoonka Allianz Arena oo ay kusoo mari doonto imtixaan adag maadaama lugtii hore ee garoonkeeda Emirates Stadium ay ku kala baxeen barbarro 2-2 ah.
Gunners oo ay ciyaartani u imanayso iyadoo niyad-jabsan oo guul-darro culus ay Sabtidii u xambaarisay Aston Villa, ayaa waajihi doonta Munich oo dib u heshay xiddigo muhiim u ah oo ay walaac ka qabtay taam ahaanshahooda.
Tuchel oo warbaahinta la hadlay maanta ayaa hidhi: “Haa, Leroy Sane iyo Manuel Neuer way ciyaari karayaan. Iyadoo laga duulayo xaaladda Serge Gnarbry iyo Kingsley Coman, Leroy waxay u badan tahay inuu miciyaha iyo ciddyahaba ku dagaallami doono inta suurtogalka ah.”
Thomas Tuchel ayaa waxa uu dhinaca kale xaqiijiyey, in garabka weerarka kooxdiisa ee Serge Gnabry oo lugtii hore ee Arsenal u dhaliyey gool, in uu ka maqnaan doono garoomada inta ka hadhay xilli-ciyaareedkan socda.