Dad badan ayaa is-weydiinaya sababta keentay in weeraryahanka reer Senegal ee Nicolas Jackson uu ugula dagaallamay Noni Madueke iyo Cole Palmer rikoodhe ay heshay kooxdiisu ciyaartii ay xalay 6-0 ku xasuuqeen Everton oo ay dhax jiid-jiideen garoonka Stamford Bridge.
Chelsea ayaa loo dhigay rikoodhe iyadoo ciyaartu maraysay 4-0, waxaana kubadda isku dayey inuu qaato Nicolas Jackson, hase yeeshee waxa ka boobay Noni Madueke iyadoo labada ciyaartoy ay is dhax jiid-jiiteen garoonka oo ay ciyaartoyda kooxdoodu kala qabteen.
Waxa kale oo soo dhax-galay Cole Palmer oo kubadda ka boobay Noni Madueke oo hore uga soo xoogay Nicolas Jackson, waxaana tuurtay oo gool u beddelay Palmer oo ahaa ciyaartoyga uu tababare Mauricio Pochettino hore ugu go’aamiyey inuu qaato masuuliyadda rikoodhaha.
Ceebta ku dhacday ciyaartoyda Chelsea ayaa abuurtay hadal-hayn badan, waxaana la arkayay Thiago Silva oo isku dayaya inuu dejiyo Palmer, halka Conor Gallagher oo ahaa kabtanka Chelsea uu si adag ula hadlay Madueke oo doonayey in uu Palmer ka hor joogsado inuu kubadda laagto.
Sida uu qoray wargeyska The Telegraph, Nicolas Jackson ayaa si weyn u doonayey rikoodhahan sababtoo ah waxa uu doonayaa in uu xilli-ciyaareedkan gaadho 15 gool oo horyaalka Premier League, si ay sidoo kale ugu suurtogasho in uu 20 gool oo dhamaan tartamada ah gaadho.
Jackson ayaa waxa uu ka xumaaday markii la beddelay qaybta labaad isaga oo dhaliyey goolkiisii 10aad ee Premier League ee xilli-ciyaareedka, halka uu dhamaan tartamadana saxeexay 13 gool.
Markii uu dhaliyey goolkiisii 10aad ee horyaalka, waxa uu barbarreeyey rikoodhkii Didier Drogoba ee xilli-ciyaareedkii koowaad ee Chelsea, balse waxa uu doonayaa in uu jabiyo rikoodhka halyeyga dalkiisa.