Thomas Muller ayaa fariin u diray Kai Havertz iyo Arsenal ka dib markii labada kooxood ee Bayern Munich iyo Arsenal ay isku soo aadeen wareega 8da Champions League.
34 jirkaan ayaa ayaa si fiican u yaqaana Arsenal, wuxuu dhowr habeen hurdo la’aan dhigay taageerayaasha Gunners muddo sannado ah.
Muller waxa uu todoba jeer ka hor yimid Arsenal waayihiisa ciyaareed isagoo shabaqa ka soo taabtay shan jeer afartii kulan ee ay badisay Bayern Munich ee uu ciyaaray, waxa uu sidoo kale qeyb ka ahaa kooxdii Bayern ee lugtii labaad laakiin waxa uu ahaa bedel aan la isticmaalin iyadoo Bayern ay wadar ahaan 10-2 ku garaacday Arsenal 2017kii.
Kooxda ugu weyn kubada cagta Jarmalka ayaa si fool ka fool ah uga horimaaneysa Arsenal todoba sannadood ka dib xasuuqii ay u geysteen Gunners wareegii 16ka. Bayern ayaa casharo u soo dhigtay Arsenal laakiin kooxda Mikel Arteta way ka duwan tahay sidii hore.
Isagoo sugi weysay kulamada wareega 8da, Muller ayaa muuqaal kooban soo dhigay Twitter isagoo fariin cabsi gelin ah u diray Arsenal iyo saaxiibkiisa xulka Jarmalka Kai Havertz.
Waxa uu yiri: “Waa Arsenal. Kai Havertz, saaxiibkeey, waan sugayay. Waa isku aad fiican, labo kooxood oo aad u fiican, labo garoomo oo fiican, labo magaalo oo fiican. Waa kulamo adag laakiin mar walba niyadsami ayaan qabaa, waan idiin arki doonaa Gunners.”
Thomas Müller's reaction to the draw pic.twitter.com/yQsgXQIbtv
— Bayern & Germany (@iMiaSanMia) March 15, 2024