Cristiano Ronaldo ayaa magacaabay seddexda kooxood ee uu ugu cadcad inay ku guuleystaan Champions League xilli ciyaareedkan.
Shalay oo Jimce aheyd ayaa la qabtay isku aadka wareega sideeda Champions League, iyadoo Arsenal lagu aadiyay Bayern Munich halka Manchester City iyo Real Madrid la isku aadiyay.
Atletico Madrid iyo Borussia Dortmund ayaa isku beegmay halka PSG iyo Barcelona la isku balamiyay.
Arsenal ayaa gashay isku aad adag, xitaa haddii ay ka soo badiyaan Bayern Munich, waxay semi-finalka ku dhacayaan midkood Man City ama Real Madrid.
Xiddiga shanta jeer ku guuleystay Ballon d’Or Ronaldo oo shan Champions League la qaaday Man United iyo Real Madrid ayaa gabi ahaanba meesha ka saarat in Arsenal ay koobka qaadi karto.
Xaqiiqdiina Ronaldo waxa uu u magacaabay Manchester City kooxda ugu cadcad inay koobka ku guuleysato, inkastoo uu yahay halyeey Man United ah.
Markii la weydiiyay inuu magacaabo kooxaha ugu cadcad inay ku guuleystaan Champions League, wuxuu ku jawaabay: “Manchester City fursad fician ayay u heysataa inay Champions League ku guuleysato mar kale. Kooxaha ugu cadcad? Man City, Real Madrid, Bayern Munich…
Xiddiga reer Portugal ayaa ka dib amaah ugu qubeeyay kooxda Pep Guardiola iyo guushoodii xilli ciyaareedkii hore oo ay seddexda koob isku qaadeen.
“Manchester City waxay qabatay shaqo cajiib ah” ayuu yiri Ronaldo. “Waan ugu hambalyeeynayaa xilli ciyaareedkooda. Ciyaartoyda, tababaraha aad ayay u fiicnaayeen. Ugu danbeyn waxay ku guuleystaan Champions League, waxay u qalmeen labo sannadood ka hor. Waan ku riyaaqaa inaan daawado ciyaartooda.”