Halyeyga reer Fracne ee Thierry Henry ayaa sheegay in bandhiggii ciyaareed ee Arsenal ee kulankii Bayern Munich aanu ahayn midkii laga filayey kooxdiisa hore, waxaana uu farta ku fiiqay laba ciyaartoy oo uu dhalliilo u jeediyey.
Bayern Muncih ayaa 1-0 ku garaacday Arsenal oo lugtii hore ay barbarro 2-2 ah kusoo kala baxeen, waxaana sidaas tartanka kaga baxday Arsenal, halka Munich ay semi-finalka la dheeli doonto Real Madrid oo iyaduna rikoodheyaal kusoo garaacday Manchester City.
Goolka Bayern Munich ay kaga adkaatay Arsenal waxa madax ugu dhaliyey Joshua Kimmich oo difaaca midig ee uu kasoo bilaabay kubadda cagta uu dib ugu celiyey Thomas Tuchel.
Halyeygii Arsenal ee Thierry Henry oo ka hadlay bandhiggii kooxdiisa hore ayaa niyad-jab ka muujiyey sidii ay u ciyaareen laba laacib oo kooxdiisa hore ah, waxaanu yidhi: “Caawa [xalay] ma aannaan samaynin fursado badan oo aanu goolal ku dhalin karaynayn.
“Waxay ila ahayd in qaybtii hore aanu laba gool keeni karaynay ciyaartii hore. Dhamaanteen waynu ognahay in haddii aad samayso qaladaadkaas oo kale Champions League, in aad ka shallayn doonto.
“Maanta [xalay] ma aanaan fiicnayn, wax badanna ma aanaan samaynin ciyaarta, laakiin labada kooxoodba ma aanay doonayn in ay guul-darraystaan.”
Intaas kaddib ayuu Thierry Henry magacaabay labada ciyaartoy ee uu saluugsan yahay, waxaanu yidhi: “Waxa jiray waqtiyo ay sameeyeen go’aamo qaldan. Kaliya ma ahayn Gabriel Martinelli laakiin sidoo kale Takehiro Tomiyasu sababtoo ma aanu daboolin booskiisii difaaca dhexe markii kubadda lasoo dhigayay, amaba kuma aanu dhowaanin laynka.”