Laba ciyaartoy oo Real Madrid ah ayaa iska diiday inay tuurtaan rikoodhaha ciyaartii Manchester City ee Arbacadii ee lugta labaad ee wareegga siddeedda ee Champions League, taas oo ay Los Blancos 4-3 rikoodheyaal ah ku reebtay.
Ciyaar socotay 120 daqiiqadood oo ay labada kooxood barbarro 1-1 ah ku kala baxeen, sidoo kalena ay lugtii hore barbarro 3-3 ah ku dhamaysteen ayaa waxa lagu qasbanaaday in rikoodheyaal loo dhigo, waxaana libinta heshay Real Madrid oo 4-3 ku adkaatay iyadoo Bernardo Silva, Mateo Kovacic iyo Luka Modric laga qabtay rikoodheyaashoodii.
Laadkii ugu dambeeyey ee Real Madrid siiyey guusha waxa dhaliyey Antonio Rudiger oo uu Arsene Wenger ku tilmaamay ‘ninkii ciyaarta’ isla markaana uu ammaan kula dul-dhacay isaga ooka hadlayey telefishanka beIN Sports.
Sida uu qoray wargeyska Mundo Deportivo, labada ciyaartoy ee Federico Valverde iyo Eder Militao ayaa u sheegay tababare Carlo Ancelotti in aanay doonayn in ay tuurtaan rikoodheyaasha, sababtoo ah waxa ay ka baqayeen in ay khasaariyaan.
Carlo Ancelotti oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in Eder Militao uu ka mid yahay ciyaartoyda uu ugu kalsoonida badan yahay rikoodheyaasha balse aanu ku jirin shanta hore, sidaas oo kalena waxa ahaa Fede Valverde iyo Camavinga.