Supercomputer ayaa saadaal cusub ka sameeyey tartanka Champions League ee xilli-ciyaareedkan ka hor kulamada wareegga 16aad ee la dheeli doono usbuuca dame, waxaana uu usii bushaareeyey koox awooddeeda muujisay oo ay dad badan isku raacsan yihiin inay ku guulesanayso.
Arsenal oo xilli-ciyaareedkan kusoo laabatay Champions League oo ay muddo ka maqnayd ayaa waxa uu Supercomputer u sheegay, in aanay waxba isku daalinin ku guuleysiga tartankan oo aanay wax fursad ah u haysanin, waxaana laga hormariyey saddex kooxood oo kale.
Kooxda tababare Pep Guardiola ee Manchester City oo xilli-ciyaareedkii hore ku guuleysatay koobkeedii ugu horreeyey ee Champions League ah, ayaa uu Supercomputer saadaaliyey inay difaacan doonto oo ay mar kale ku guuleysan doonto.
Supercomputer oo adeegsanaya xogta diiwaanka Opta ayaa waxa uu sheegay, in Manchester City ay noqon doonto kooxdii labaad ee muddo 30 sannadood ah laba jeer oo isku xigta ku guuleysata, waxaanay raaci doontaa raadka Real Madrid oo saddex jeer oo xidhiidh ahaa ku guuleysatay koobka.
Fursadda Manchester City ayaa ah 31.2 boqolkiiba inay ku guuleysato tartanka, halka Real Madrid oo labaad ku jirta ay haysato 15.7 boqolkiiba, iyadoo taariikhda tartankan ay laba naadi oo kali ahi ku guuleysteen min laba-jeer ama ka badan oo xidhiidh ah, waxaana Real Madrid soo raacda AC Milan oo sannadkii 1990kii difaacatay koobka.
Inter Milan oo sannadkii 2010 ku guuleysatay ayaa uu Supercomputer ka dhigay kooxda saddexaad ee ugu fursadda fiican oo haysata 12.1 boqolkiiba, halka Bayern Munich oo uu awood dhalinta goolasha ah kusoo kordhiyey Harry Kane ayaa ku jirto kaalinta afraad iyadoo fursaddeedu tahay 11.4 boqolkiiba iyo Arsenal oo shanaad ku jirta oo 6.8 boqolkiiba ay tahay fursaddeedu.
Halkan kaga bogo fursadda ay koox kasta u haysato ku guuleysiga Champions League oo bishan la dheeli doono wareegga 16ka: