Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa ka walaacsan dhaawaca xiddiga khadka dhexe ee Dominik Szoboszlai oo la sheegayo inuu ka maqnaan doono illaa finalka Carabao Cup ee dhamaadka bishan February ay la ciyaari doonaan Chelsea, kaddib markii ay soo baxeen natiijada baadhitaannadii lagu sameeyey laacibkan.
Dominik Szoboszlai ayaa muddo ka maqnaan doona kooxdiisa isaga oo la daalaa-dhici doona kasoo kabashada dhaawac muruqa ah oo soo gaadhay ciyaartii toddobaadkii hore ay kooxdiisu 4-1 ku xasuuqday Chelsea.
Kubbad-sameeyaha reer Hungry ayaa hore uga maqnaaday kulankii Axaddii ee ay Arsenal 3-1 ku garaacday Liverpool, markaas oo uu tababare Jurgen Klopp sheegay inuu ka dhaawacmay isla halkii uu hore dhaawacu uga gaadhay horraantii xilli-ciyaareedka ee uu toddobaadyada u jiifay.
Inkasta oo aanay Liverpool si rasmi ah u sheegin muddada uu maqnaanayo Dominik Szoboszlai, haddana warbaahinta ayaa sheegaysa in laacibkani uu garoomada ka maqnaan doono saddex ama afar toddobaad, taas oo haddii ay run noqoto ka dhignaan doonta in ay yar tahay fursaddiisa finalka Carabao Cup ee February 25.
Waxa kale oo uu Dominik Szoboszlai ka maqnaan doonaa saddex ciyaarood oo horyaalka Premier League ah oo ay kooxdiisu la dheeli doonto Burnley, Luton Town iyo Brentford.
Waxa hore Liveprool uga dhaawacnaa Mohamed Salah oo aan kasoo kabanin dhaawac kasoo gaadhay ciyaaraha qaramada Afrika, Stefan Bajcetic iyo Kostas Tsimikas, halka Joel Matip aan lagu xisaabtami doonin.