Labada kooxood ee PSG iyo Borussia Dortmund ayaa xalay usoo gudbay semi-finalka oo ay iyagu isku dhaceen, kaddib markii ay wareeggii siddeedda kusoo reebeen kooxaha reer Spain ee Barcelona iyo Atletico Madrid.
Glenn Hoddle oo ka hadlayay telefishanka TNT Sports ayaa yidhi: “Waxa aan caawa [xalay] ka arkay Dortmund, waa in kaliya ay PSG guuleysanayso ciyaartooda semi-finalka. Way fiicnaayeen caawa [xalay] Dortmund, laakiin ciyaarteedu way furnayd, ilamana aha in PSG ay guul-darraysan karayso ciyaar sidaas ah.|
Glenn Hoddle ayaa kusii daray: “PSG way ka fiican tahay sidii hore, waa koox dheelli-tiran difaaca iyo weerarka. Waxay haystaan ciyaartoyga ugu wanaagsan adduunka oo ah Kylian Mbappe. Waxay noqon kartaa markii ugu dambeeyey ee aynu aragno isaga oo ciyaaraya Champions League oo xidhan shaadhka PSG. Waxay joogaan semi-finalka, waxayna tegi doonaan finalka.”