Kaddib 45 ciyaarood iyo siddeed bilood oo musalsal ay kusoo jireen, waxay u muuqataa in xilli-ciyaareedka Arsenal lagu go’aaminayo afar maalmood gudahood oo la ogaan doono haddii ay murugo ku dhamaysanayaan iyo haddii ay rayn-rayn ku jiri doonaan.
Arsenal ayaa caawa marti u noqonaysa Bayern Munich, kaddibna waxa ay waajihi doonaan Wolves oo ay saddex maalmood kaddib u tegi doonaan iyagoo aan wali kasoo kabannin khasaarihii weynaa ee ay kala kulmeen Aston Villa.
Labadan ciyaarood oo laga adkaado, waa dhamaadka xilli-ciyaareed murugo leh oo Arsenal ay ku adkaan doonto in ciyaartoydeedu ay kasoo kabtaan, balse waxa sidoo kale guulo ay ka keenaan ay u noqon doontaa farxad iyo inay sii dagaallamaan illaa dhamaadka iyaga oo haysta kalsooni.
Tababare Mikel Arteta ayaa la sheegay in ciyaartoyda kooxdiisu ay niyad-jab dareemeen markii ay Aston Villa soo afjartay 11 ciyaarood oo xidhiidh ahaa oo aan laga badinin, isla markaana horyaalka Premier League ay hoggaankiisa la wareegtay Manchester City oo waqtigan oo kale xilli-ciyaareedkii horena sidan oo kale ugala wareegtay hoggaanka oo ay Gunners 248 maalmood haysay.
Mikel Arteta ayaa qaatay shan go’aan oo waaweyn oo uu kooxdiisa guul ugu raadinayo kulanka Bayern Munich ee lugta labaad ee wareegga sideedda Champions League, iyadoo ciyaartii hore ee Emirates Stadium ay barbarro 2-2 ah ku kala baxeen.
Shanta go’aan ee uu Mikel Arteta qaadanayo ayaa ku taxan xulashada ciyaartoydiisa, iyo helista booska ugu fiican ee ay ka dheelayaan.
Go’aanka koowaad waa difaaca bidix oo ciyaartii Aston Villa uu kusoo bilowday Oleksandr Zinchenko oo saamayn badan ku yeeshay Emirates Stadium markii ay £30 milyan oo Gini kaga soo iibsadeen Manchester City, waxaana laacibkan dhalliilo loo jeediyey ciyaartii Aston Villa.
27 jirkan ayaa la sheegay in Mikel Arteta uu fadhiisan doono oo uu ka doorbidayo Takehiro Tomiyasu ama Jakub Kiwior, sababtoo ah waxa ay labadooduba kaga wanaagsan yihiin difaacista maadaama ay marti yihiin oo ay weerar badan ka filayaan Bayern Munich.
Go’aanka labaad ayaa ah inuu helo booska uu ku fiican yahay Kai Havertz oo uu kusoo bilaabi doono, waxaana uu u kala doorayaa weerarka dhexe iyo khadka dhexe.
Laacibkan ay £65 milyan ee Gini Arsenal kaga soo iibsatay Chelsea xagaagii ayaa shan gool dhaliyey sagaalkii ciyaarood ee ugu dambeeyey, waxaana la sheegay in caawa uu ka ciyaari doono booska No.9-ka beenta ah.
Go’aanka saddexaad ee uu sameeyey Mikel Arteta ayaa ah inuu dib ugu soo celiyo shaxdiisa khadka dhexe ee xulka Talyaaniga ee Jorginho oo asal ahaan u dhashay waddanka Brazil, laakiin isaga oo carruur ah yimid Talyaaniga.
Axaddii uu Mikel Arteta fadhiisiyey Jorginho, waxaanay taasi keentay in Aston Villa ay si weyn iskaga caabbiso khadka dhexe oo ay waliba kubadda la qaybsato, balse waxa uu beddel ku keenay iyadoo 11 daqiiqadood hadhsan yihiin, waana waqtiga labada gool alga dhaliyey.
Arrinta afraad ayaa ah in Leandro Trossard uu kaydka gelin doono oo uu beddel kusoo geli doono ciyaarta, sababtoo ah waxa uu kusoo bilaabi doonaa Gabriel Martinelli iyo Bukayo Saka oo dhinacyada ah, halka weerarka dhexe uu ka dheeli doono Gabriel Jesus, inkasta oo la sheegayo in Kai Havertz uu booska Jesus imanayo.
Go’aanka ugu adag ee Mikel Arteta waa cidda uu difaaca dhexe ka ciyaarsiin doono haddii uu dhaawacmo Gabriel Magalhaes ama William Saliba oo ah labada difaac ee Premier League ood han ugu difaaca wanaagsan, iyadoo 32 ciyaarood laga dhaliyey 29 gool, halka Liverpool iyo Man City laga dhaliyey 31 gool iyo 32 gool.
Midkood Ben White, Tomiyasu ama Kiwior ayaa difaaca dhexe uu ka ciyaarsiin doonaa Mikel Arteta haddii uu midkood dhaawac soo gaadho labadiisa rukun ee difaaca dhexe, waxaana uu doorbidayaa Kiwior.
Waxaan necay Arteta maaha tababare kia Haverts malaa sir buu ka hayaa Arteta Cajiib maxuu iga daba wadaa tolow maxaa u diiday dhexda in uu ka wada ciyaarsiiyo Thomas party iyo rice Afka horena marteli jesus iyo saka
Waar kani Tababare maaha xaqiiqdii
Arsenal iyada is wada mooyiye tababare ma joogo Bal Fiiri Caawa bedel ku sameeyay Marteli oo Weerer culus ku hayay Wuu saaray Jorhinho dhedii dhamayd Haverts Wuu ku haya aan muuqanayn half kui horeba Cajiub war kan yaa kooxda u soo diray tolow