Pep Guardiola ayaa dib u helay difaaca midig ee reer England ee Kyle Walker oo uu kusoo bilaabay kulanka Real Madrid ee lugta labaad ee wareegga sideedda Champions League, waxaana uu khadka dambe kula midaysan yahay Manuel Akanji, Ruben Diaz iyo Gvardiol.
Khadka dhexe ee Manchester City ayaa waxa dib ugu soo laabtay Rodrigo oo la nasiyey ciyaartii horyaalka ee Sabtidii ay xasuuqeen Luton Town, waxaanay kusoo wada bilowdeen Kevin De Bruyne oo lugtii hore ee Real Madrid aan lac iyaarsiinin iyo Bernardo Silva.
Weerarka Manchester City waxa hoggaaminaya Erling Haaland oo ay caawinayaan Phil Foden oo gool qurux badan dhaliyey ciyaartii hore iyo Jack Grealish oo dhibaato badan ku abuuray difaaca Real Madrid isla markaana ahaa laacibkii lagu galay qaladkii uu Bernardo Silva goolka koowaad ku keenay sidoo kalena sababta u noqday ganaaxa Tchouameni.
Dhinaca Real Madrid, Carlo Ancelotti ayaa waqti hore sii shaaciyey shaxdiisa oo ay weerarka ka wada ciyaarayaan Rodrygo Goes iyo Vinicius Junior, iyadoo khadka dhexena uu kusoo laabtay Toni Kroos oo la nasiyey ciyaartii Real Mallorca ee Sabtidii, kaas oo ay garab taagan yihiin Fede Valverde iyo Eduardo Camavinga.
Shaxaha rasmiga ah ee labada kooxood
Manchester City XI: Ederson, Walker, Akanji, Dias, Gvardiol, Rodrigo, De Bruyne, Bernardo, Foden, Grealish, Haaland.
Kaydka: Ortega Moreno, Carson, Stones, Ake, Kovacic, Doku, Alvarez, Gomez, Nunes, Bobb, Lewis
Real Madrid XI: Lunin, Carvajal, Nacho, Rudiger, Mendy, Kroos, Valverde, Camavinga, Rodrygo, Bellingham, Vinicius Jr.
Kaydka: Kepa, Fran, Militao, Modric, Joselu, Lucas, Ceballos, Fran Garcia, Brahim, Arda Guler.