Kooxda kubadda cagta Bayern Munich ayaa tartanka Champions League ka reebtay Arsenal oo ay guul cidhiidhi ah oo 1-0 ah kaga gaadhay garoonka Allianz Arena, waxaanay Bavaria iska xaadirisay semi-finalka.
Munich ayaa sidii la filayey, waxay mar kale noqotay wadka Arsenal oo markii ugu dambaysay ee ay Gunners kasoo qayb-gasho tartankanna kaga reebtay xasuuq weyn oo ay u geysatay.
Gool madi ah oo uu Bayern Munich u dhaliyey Joshua Kimmich qaybta labaad ayaa go’aamiyey guusha ay kooxda reer Germany ka gaadhay Arsenal oo ka faa’iidaysan weyday fursado badan oo ay heshay labadii qaybood ee ciyaarta.
Kubbad uu daqiiqaddii 63aad dhinaca kasoo qaaday Raphael Guerreiro ayaa uu madax ku qabtay Joshua Kimmich oo goolkiisu uu noqday midka kala saaray labada kooxood, maadaama ciyaartoodii hore ee garoonka Emirates Stadiym ay kusoo kala baxeen barbarro 2-2 ah, taas oo wadarta labadii lugood ka dhigaysa 3-2.
Fursaddii ugu fiicnayd ayay Arsenal heshay qaybtii hore oo uu ka lumiyey Gabriel Martinelli oo kubadda si toos ah ugu beegay Manuel Neuer kaddib markii uu Jamal Musiala ku qasbay David Raya inuu sameeyo badbaadin adag.
Harry Kane ayaa sagaal jeer oo kaliya taabtay qaybta hore ee ciyaarta, iyadoo Neuer uu fursad kale oo dahabi ahayd ka dafiray Martin Odegaard oo isku dayey inuu dhamaystiro kubbad kasoo noqotay goolka.
Qaybta labaad oo ay Bayern Munich awood badnayd ayaa waxa kubbad gool loo fiashay lumiyey Leon Goretzka oo madax ku qabtay kubbad uu Guerreiro ka helay, waxaase ka badbaadiyey David Raya oo la socday ciyaarta.
Iyadoo labada kooxood u muuqanayaan in ay ciyaartoodu ku socoto barbarro oo ay waqti dheeraad ah isla tegayaan ayuu Guerreiro dhinaca bidix soo qaaday kubbad uu madax u saaray Kimmich oo ku leexiyey shabaqa oo waxyar u jiray.
Munich ayaa deggenaan u ciyaartay wixii ka dambeeyey goolka, halka Arsenal oo dareemaysay niyad-jab iyo cadaadis ay isku dayeysay inay keento goolka waxkasta oo ay ku qaadanayso balse ay u suurtogeli weyday.