Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa tartanka Champions League ka reebtay kooxda koobka difaacanaysay ee Manchester City oo ay rikoodheyaal kaga takhalustay iyadoo waliba marti ku ahayd garoonka Etihad Stadium.
Labadan kooxood oo lugtii hore kusoo kala baxay barbarro 2-2 ah, ayaa 90kii daqiiqadood ee ciyaarta caawa waxa ay ku dhamaysteen barbarro 1-1 ah, taas oo qasabtay in 30 daqiiqadood lagu daro balse markii ay ku kala bixi waayeen loo dhigay rikoodheyaal.
Real Madrid ayaa rikoodheyaal 4-3 ah ku garaacday Manchester City oo garoonkeeda joogtay, iyadoo Andriy Lunin uu kubadda ka badbaadiyey Bernardo Silva iyo Mateo Kovacic, halka Real Madrid kubadda laga qabtay Luka Modric.
Antonio Rudiger ayaa isku qoray taariikhda oo darbad xooggan dhaliyey laadkii ugu dambeeyey, isla markaana sidii qof waalan ugu dabbaal-degay garoonka dhaxdiisa, isaga oo waliba ku qaylinaya ‘Allahu Akbar’.
Ingiriiska ayay musiibo ku habsatay caawa, waxaana tartanka ka wada hadhay labadii kooxood ee ugu soo baxay wareegga siddeedda ee Manchester City iyo Arsenal oo ay cuneen Real Madrid iyo Bayern Munich oo semi-finalka ku ballamay.
Real Madrid ayaa waqti hore gool degdeg ahaa ku aamusiisay Manchester City oo daqiiqaddii 12aad uu shabaqooda soo taabtay Rodrygo Goes oo kubbad uu goolka hortiisa ka helay ku qabtay lugta midig balse uu soo badbaadiyey Ederson, iyadoo mar kale uu laacibka reer Brazil ku celiyey lugta bidix oo uu ku dhamaystiray.
Goolkan ayaa ahaa midka kaliya ee ka dhashay garoonka qaybta hore, iyadoo inta badan ciyaarta ay maamulaysay Manchester City oo fursado aan tiro lahayn iska khasaarisay.
Daqiiqaddii 77aad ayay Manchester City ciyaarta ka dhigtay 1-1, waxaana gool u dhaliyey Kevin De Bruyne oo fursado badan oo kale oo uu helayna uu nasiibku diiday, isla markaana kubadda dul-mariyey dhawr jeer birta.
Waqti dheeraad oo 30 daqiiqadood ahaa oo lagu daray ciyaarta maadaama waqtigii caadiga ahaa ee isku-darka labada lugood uu kusoo dhamaaday 3-3, waxa ay labada kooxood awoodi waayeen inay wax goolal ah kala dhaliyaan.
Rikoodheyaal loo dhigay ayaa noqday kuwa ay Real Madrid naxdinta ku horreysay, laakiin haddana ay farxadda iyo qosolka ku dambaysay.
Julian Alvarez oo tuurtay rikoodhihii ugu horreeyey ayaa si xarrago leh u dhaliyey isla markaana dhinaca qaldan u diray Andriy Lunin, halka Luka Modric oo rikoodhihii ugu horreeyey ee Real Madrid qaatay uu ka badbaadiyey goolhaye Ederson.
Andriy Lunin ayaa labadii rikoodhe ee ku xigay ka qabtay Bernardo Silva iyo Mateo Kovacic, Real Madrid ay si xarrago leh rikoodheyaasheeda u dhaliyeen Jude Bellingham, Lucas Vazquez, Nacho iyo Rudiger oo laadkii ugu dambeeyey dhamaystiray, iyadoo labada laad ee u dambeeyey ay Man City u dhaliyeen Ederson iyo Phil Foden.
Realmadrid sixirkeedi miyey lasoo noqotay