Isku-aadka wareegga semi-finalka Champions League ayaa la xaqiijiyey kaddib markii ay soo dhamaadeen kulamadii wareegga siddeedda oo ay labadii kooxood ee ugu dambeeyey ee soo gudbay noqdeen Real Madrid iyo Bayern Munich oo kasoo kala adkaaday Manchester City iyo Arsenal.
Kooxda reer Spain ee Real Madrid ayaa rikoodheyaal kaga adkaatay Manchester City oo kulankoodu uu noqday ciyaarta kaliya ee waqti dheeraad ah lagu daray wareegga siddeedda Champions League ee xilli-ciyaareedkan.
Real Madrid iyo Manchester City ayaa waxa ay ciyaartoodu ku dhamaatay barbarro 1-1 ah, iyagoo lugtoodii horena ay kusoo dhamaatay 3-3, taas oo natiijada ka dhigtay barbarro 4-4 ah, waxaana rikoodheyaal loo dhigay markii ay 30kii daqiiqadood ee dheeraadka ah ku kala bixi waayeen ay Real Madrid ku adkaatay 4-3.
Bayern Munich ayaa iyaduna gool madi ah oo uu u dhaliyey Joshua Kimmich kaga adkaatay Arsenal oo marti ugu ahayd garoonka Allianz Arena, waxaanay Munich kusoo baxday oo ay semi-finalka ugu soo gudubtay natiijo 3-2 ah isku-darka labadii ciyaarood.
Dhinaca kale, Salaasadii ayay soo gudbeen PSG iyo Borussia Dortmund oo soo reebay labada kooxood ee reer Spain ee Barcelona iyo Atletico Madrid.
Isku-aadka wareegga semi-finalka Champions League ayaa hore loogu sii go’aamiyey qori-tuurkii lagu sameeyey magaalada Nyon ee Switzerland ee lagu go’aamiyey wareegii siddeedda.
Isku-aadka wareegga semi-finalka Champions League
Real Madrid vs Bayern Munich
Borussia Dortmund vs PSG
Goorma ayaa la ciyaarayaa kulamada semi-finalka Champions League?
Lugta hore ayaa waxa la ciyaari doonaa April 30 & May 1, halka lugta labaadna la ciyaari doono May 7 iyo May 8.
Waa Bayern Munich vs Real Madrid first leg waa Bayern second leg waa Madridd
Borussia Dortmund vs PSG