Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa maanta dib u heshay laba ciyaartoy oo muhiim ah oo bilaabay diyaar-garowga kulanka adag ee Bayern Munich ee lugta labaad ee wareegga semi-finalka Champions League.
Labadan ciyaartoy oo aan kooxdoodu u raacin safarkii ay ku tageen Reale Arena ee ay Jimcihii guusha kaga soo gaadheen Real Sociedad ayaa iska soo xaadiriyey garoonka tababarka saaka, iyadoo tababare Carlo Ancelotti uu shalay sii sheegay inay taam noqonayaan.
Weeraryahanka reer Brazil ee Rodrygo Goes iyo difaaca bidix ee reer France ee Ferland Mendy ayaa warbaahinta Spain ay muuqaallo kasoo duubtay iyagoo tababarka samaynaya.
Rodrygo ayaa waxa ku dhacay hargab uu kasoo kabtay, halka Ferland Mendy uu soo gaadhay dhaawac muruqa ahaa oo kasoo gaadhay ciyaartii Barcelona ee El Clasico.
Maalinta Salaasada ayay Real Madrid u safri doontaa magaalada Munich ee waddanka Germany oo ay garoonka Allianz Arena marti ugu noqon doonaan Bayern Munich, laakiin waxa Los Blancos aan safarkaa u raaci doonin difaaca midig ee Dani Carvajal oo ganaax ah isla markaana kaadh huruud ahaa qaatay ciyaartii lugta labaad ee Manchester City ee wareeggii siddeedda.
Dhinaca kale, Thibaut Courtlois oo la filayo inuu toddobaadkan dib ugu soo laabto tababarka iyo David Alaba oo xilli-ciyaareedka oo dhan ka maqnaanaya kooxdiisa.