Liverpool ayuu kusii socdaa burburka murugada leh, waxaana ay maanta soo afjareen rajo kasta oo ay ka qabeen horyaalka Premier League ee xilli-ciyaareedkan kaddib markii ay barbarro niyad-jab ah lasoo galeen West Ham oo ay ku booqdeen magaalada London.
Liverpool ayaa afartii ciyaarood ee ugu dambeeyey horyaalka Premier League hal mar oo kaliya guuleysatay, iyadoo dhamaadka xilli-ciyaareedkana ay afar kulan oo kaliya ka hadhsan yihiin.
Reds oo isku dhax-daadsan difaaca, khadka dhexe iyo weerarka ayaa waxa qaybtii hore gool kaga nixiyey Jarrod Bowen oo ah ciyaartoy gaaban oo haddana difaacyahannada dhaadheer dhexdooda madax kaga dhuftay kubadda, taas oo keentay in qaybta horeba ay Liverpool niyad-jab la nasato.
Markii lagu soo noqday qaybta labaad ayay Liverpool is-raacisay laba gool oo daran-doorri ahaa oo uu waqti kooban u dhexeeyey, hase yeeshee madax kale ayaa waxa ka dhaliyey Michail Antonio oo isaguna ah ciyaartoy gaaban oo aan lagu aqoonin inuu dhaliyo goolal madax ah, sida Bowen oo kale.
Jurgen Klopp oo lix isbeddel sameeyey ciyaartan ayaa kooxdiisu ay ku bilaabatay cadaadis ay saarayeen West Ham, laakiin waxa ay u maare waayeen Jarrod Bowen oo si fudud ku burburinayey khadkooda dhexe iyo difaaca.
Liverpool oo la moodayey in ciyaartoydoodu ay niyad-jabsan yihiin ayaa waxa ay heshay waqti horeba fursado wanaagsan, waxaana midii ugu fiicnayd ay birta kaga dhacday Luis Diaz.
Daqiiqaddii 43aad ayaa koorne ay West Ham heshay waxa loo dhiibay Mohammed Kudus oo isaguna madax soo saaray, waxaana madax ku qabtay Bowen oo ka faa’iidaystay isku-xidh la’aanta difaaca Liverpool.
Goolkan ayaa ahaa midka kaliya ee qaybta hore ka dhashay garoonka, hase yeeshee markii lagu soo noqday qaybta labaad ee ay saddex daqiiqadood socotay ayaa Andy Robertson uu kubbad ka helay xerada ganaaxa, waxaanu ku dhuftay darbad uu goolhaye Ariolo joojin kari waayey oo uu shabaqa ku hubsaday.
Cody Gakpo ayaa gool labaad u keenay Liverpool oo darbad xooggan oo uu goolka hortiisa ka tuuray waxa ay kusii dhacday Ogbonna kaddibna goolhaye Ariolo ayay kusii dhacday oo ay shabaqa gashay.
Liverpool oo rumaysan inay guuleysanayso ayaa daqiiqaddii 77aad waxa rajadeeda soo afjaray Michail Antonio oo kubbad uu ka helay Jarrod Bowen ku qabtay madax uu goolhaye Alisson gaadhi waayey, waxaanay ciyaartu kusoo dhamaatay barbarro 2-2 ah.
Liverpool waxay hadda leedahay 75 dhibcood, waxaanay hal dhibic ka hoosaysaa Manchester City oo laba ciyaarood u hadhsan yihiin iyo Arsenal oo aan wali ciyaarin oo ay laba dhibcood ka dambeeyaan.