Xidhiidhka kubadda cagta Yurub ee UEFA ayaa shaaciyey garsooraha dhaxdhaxaadin doona Real Madrid iyo Borussia Dortmund finalka Champions League ee xilli-ciyaareedkan oo ka dhici doona garoonka Wembley ee magaalada London marka ay taariikhdu tahay June 1, 2024.
Garsooraha reer Slovenia ee Slavko Vincic ayaa loo magacaabay inuu noqdo garsooraha finalkA Champions League, kaddib markii ay guddida farsamada ee UEFA ay isku raaceen in uu yahay shaqsiga ugu habboon ee ay ku aamini karayaan finalka.
Slavko Vincic ayaa ka mid ahaa bahda garsooreyaasha tan iyo sannadkii 2010, waxaana hadda ay u noqon doontaa finalkiisii labaad ee ay UEFA ku aaminto, iyadoo sannadkii 2021 uu ahaa garsoorihii hayey finalkii Europa League ee Eintracht Frankfurt iyo Rangers.
Inkasta oo uu yahay garsoore aad looga qaddariyo Yurub, haddana waligii ma aanu qabannin ciyaar ay dheelayso Real Madrid, balse hadda ayaa uu mari doonaa tijaabadiisii ugu horreysay iyadoo la eegi doono sida uu ula tacaalo Vinicius Junior oo edeb -darradiisu ay dhibaato ku noqoto garsooreyaasha.
Real Madrid oo semi-finalkii kusoo garaacday Bayern Munich, wareeggii ka horreeyey ee siddeeddana rikoodheyaal kaga soo adkaatay Manchester City, ayaa waxa ay finalka Champions League timid markeedii 18aad iyaga oo halgan u geli doona in ay ku guuleystaan tartankan markii 15aad, halka Borussia Dortmund oo semi-finalkii ku reebtay PSG, wareeggii ka horreeyey ee siddeeddana kusoo garaacday Atletico Madrid ay u dagaallamayso inay markeedii labaad ku guuleysato koobka Champions League oo ay ugu dambaysay 1997kii oo ay finalkii kaga adkaadeen Juventus.