Supercomputer ayaa saadaaliyey natiijooyinka kulamada ugu dambeeya horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League ee toddobaadka dambe lasoo gabogabaynayo, kaas oo labada kooxood ee Man City iyo Arsenal ay midkood ku guuleysan doonto.
Axadda ayaa la dheeli doonaa kulamada ugu dambeeya xilli-ciyaareedka, waxaana ciyaartaasi ay noqon doontaa midda lagu soo xidhayo fasalkan sidoo kalena lagu go’aaminayo kooxda ku guuleysanaysa horyaalka.
Arsenal oo 37 ciyaarood dheeshay ayaa 86 dhibcood ku hoggaaminaysa horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League, laakiin Manchester City oo Salaasada ciyaaraysa kulankeedii baaqiga u ahaa ka hor inta aan ciyaarta ugu dambaysa la isla tegin, ayaa waxa ay hal dhibic ka dambaysaa Arsenal.
Fursadda Arsenal ay haysato waa Tottenham ay qabato Manchester City, si ciyaarta ugu dambaysa loo baxo iyadoo jamaahiirta Gunners ay lugta ciyaartoydooda ku xidhan tahay guushoodu oo aanay Man City waxba ka beddeli karaynin. Laakiin haddii ay City soo guuleysato Salaasada, waxa ay ciyaarta ugu dambaysa isku soo diyaarin doontaa inay dabbaal-degto haddii ay ka badiso West Ham.
Supercomputer oo adeegsanaya qaaciidada xisaabeed ee BETSiE ayaa waxa uu horyaalka gacanta ka geliyey oo uu u saadaaliyey Manchester City oo uu u sheegay inay guuleysanayso ciyaarta Tottenham ee Salaasada iyo sidoo kale kulanka ugu dambeeya ee West Ham.
Arsenal ayuu Supercomputer sheegay inay ku dhamaysan doonto kaalinta labaad oo ay laba dhibcood ka dambayn doonto Manchester City oo yeelanaysa 91 dhibcood, halka Liverpool iyo Aston Villa ay noqonayaan kooxaha kaalmaha saddexaad iyo afraad.
Heerka labaad oo ay u dhaceen Sheffield United iyo Burnley ayaa waxa uu Supercomputer saadaaliyey in Luton Town ay raaci doonto, taas oo ka dhigan in Nottingham Forest ay rafaad badan kaddib ku negaanayso horyaalka Premier League.
Saadaasha Supercomputer oo dhamaystiran