Xidhiidhka kubadda cagta Yurub ee UEFA ayaa shaaciyey garsooraha kulanka lugta labaad ee semi-finalka Champions League ee Real Madrid iyo Bayern Muniche ee Salaasada ka dhici doona garoonka Santiago Bernabeu ee Real Madrid, halkaas oo midkooda soo badiya ama guuleysta uu u gudbi doono ciyaarta ugu dambaysa ee finalka.
Real Madrid iyo Bayern Munich ayaa lugtoodii hore ee Allianz Arena waxa ay kusoo kala baxeen barbarro 2-2 ah, waxaana natiijaddaasi ay ka dhigan tahay sidii ciyaar goolal la’aan ah maadaama meesha laga saaray sharcigii goolka martida ee fursadda siin lahaa Real Madrid.
Kooxda tababare Carlo Ancelotti ayaa u dagaallamaysa inay ku guuleysato koobkeediio 15aad ee Champions League, halka Bayern Munich ay markii 7aad u halgamayso inay qaaddo koobkan.
Guddida farsamada ee UEFA ayaa waxa ay shaacisay, in ciyaartan uu dhaxdhaxaadin doono garsoore Szymon Marciniak oo u dhashay waddanka Poland, kaas oo ah 42 jir soo qabtay 27 ciyaarood oo horyaalka dalkiisa ah xilli-ciyaareedkan.
Szymon Marciniak oo ka mid ah garsooreyaasha loogu ixtiraamka badan yahay UEFA, ayaa waxa uu ahaa garsoorihii hayey finalkii Club World Cup ee lagu qabtay Jiddah ee ay Manchester City ku karbaashtay naadiga reer Brazil ee Fluminense sannadkii hore dhamaadkiisii.
December 2022, ayuu Szymon Marciniak ahaa garsoorihii hayey finalkii Koobkii Adduunka ee Argentina ay rikoodheyaasha kaga adkaatay Faransiiska, halka June 2023 uu ahaa garsoorihii hayey finalkii Champions League ee Manchester City ay 1-0 kaga adkaatay Inter Milan.