Halyeyga Manchester United ee Gary Neville ayaa saadaal cusub ka sameeyey horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League ee ay ku tartamayaan Arsenal iyo Manchester City, waxaana uu sheegay inuu ka cabsi qabo, in tartanka lasii go’aamiyo iyadoon la gaadhin kulanka usbuuca ugu dambeeya.
Arsenal oo hoggaanka hal dhibic kaga haysa Manchester City ayaa ku dagaallamaysa inay ku guuleysato horyaalka Premier League oo ay ugu dambaysay sannadkii 2004, waxaanay Sabtidii guul raaxo leh ka gaadheen Bournemouth, waxaana u hadhsan laba ciyaarood.
Manchester City oo labaad ku jirta oo saddexdii sannadood ee ugu dambeeyeyba si xidhiidh ah ugu guuleysanaysa horyaalka ayaa iyaduna doonaysa inay markii afraad oo xidhiidh ah ku guuleysato, waana markii ugu horreysay ee ay taariikhda ka dhacdo sidaasi, waxaana u hadhsan saddex ciyaarood oo ay la dheeli doonaan Fulham, Tottenham iyo West Ham.
Taageereyaasha kubadda cagta ayaa ku riyoonaya in horyaalku uu noqdo mid lagu go’aamiyo kulamada usbuuca ugu dambeeya, laakiin Gary Neville ayaa rumaysan in Arsenal ay guul-darraysan doonto marka ay toddobaadka soo socda safarka ku tagto Old Trafford oo ay booqasho ugu tegayaan Manchester United.
United ayaa inkasta oo ay ku dhibaatoonayso inay natiijooyin joogto ah ka keento horyaalka Premier League, haddana waxa ay hore tartanka uga galaafteen Liverpool oo ay ka reebeen tartanka FA Cup, sidoo kalena ay bishii hore ku qabteen barbarro sababay in kooxda tababare Jurgen Klopp ay ka quusato horyaalka.
Gary Neville oo la hadlayay warbaahinta ayaa yidhi: “Toddobaadyo yar ka hor markii aan sheegay in loo baahan yahay in Arsenal ay ahaato mid togan, waxa ay dhibco ku lumiyeen Aston Villa, taasina muhiim ayay u noqotay City oo shaqadeeda qabsatay waxaanay hadda City garanaysaa waxa ay tahay inay samayso.
“Waxa u hadhsan ciyaar adag oo ay la dheeli doonaan Tottenham oo ku jirta waqti adag, laakiin way adag tahay in la yidhaahdo City dhibco ayay luminaysaa.
“Arsenal iyo City shaqooyin fiican ayay sameeyeen usbuucan waxa layaab noqonaysa meesha uu loollankooda horyaalka xagal-daacu kaa imanayo. Halkee ayuu xagal-daacu ka imanayaa? City ilama aha in uu xagal-daac ku iamanayo, laakiin Arsenal waxa sugaysa Manchester United oo ay tahay inay kusoo garaacdo Old Trafford. Haddii Arsenal ay kusoo guuleysato Old Trafford, waxay noqon doontaa guul cadaab ah, laakiin anigu halkaas ayaan ka walaacsanahay.”