Isku aadka wareegga 16ka tartanka Europa League ayaa la sameeyey, waxaana kala badbaaday kooxihii waaweynaa ee ku ducaysanayey in uu nasiibku kala leexiyo waqtigan.
Liverpool oo ku tartamaysa afar koob ayaa waxay heshay isku-dhac fudud oo ay kasoo gudbi karayso, waxaanay wareegga 16ka isku beegmeen Sparta Prague oo xafladdii lagu qabtay waddanka Switzerland Jimicihii maanta uu nasiibkoodu isku beegay, kaddib markii ay Khamiistii soo dhamaystirmeen kulamadii la sugayey ee kooxihii kasoo dhacay Champions League iyo kuwii hore kaalmaha labaad uga galay isreeb-reebka wareeggii hore ee Europa League.
Reds ayaa ka mid ahayd afar kooxood oo British ahaa oo lagu beegmayay, waxaana wehelinayey West Ham, Brighton iyo Rangers oo dhamaantood kaalmaha koowaad kaga soo gudbay group-yadoodii.
West Ham ayaa waxay ku dhacday kooxda reer Germany ee Freiburg, halka Brighton ay kala calaf qaadi doonaan AS Roma iyadoo Rangers uu nasiibku afka ka geliyey Benfica.
Liverpool ayaa ku faraxday kooxda ay ku dhacday ee Sparta Prague oo ay u aragto inay si fudud kaga soo gudbi karayso, isla markaana ay usii dagaallami doonto dhamaan tartamada ay ku jirto, iyagoo haysta fursad ay ugu guuleystaan afar koob, sida Carabao Cup oo ay Axadda kala calaf qaadayaan finalkiisa kooxdas reer London ee Chelsea, halka Premier League ay hoggaanka hayaan sidoo kalena FA Cup ay wareeggiisa afraad ciyaari doonaan.
Isku aadka wareegga 16ka Europa League
- Sparta Prague (CZE) vs Liverpool (ENG)
- Marseille (FRA) vs Villarreal (ESP)
- Roma (ITA) vs Brighton (ENG)
- Benfica (POR) vs Rangers (SCO)
- Freiburg (GER) vs West Ham (ENG)
- Sporting Lisbon (POR) vs Atalanta (ITA)
- AC Milan (ITA) vs Slavia Prague (CZE)
- Qarabag (AZE) vs Bayer Leverkusen (GER)
Isku aadka wareegga 16ka Europa Conference League
- Servette vs Viktoria Plzen
- Molde vs Club Brugge
- Ajax vs Aston Villa
- Union SG vs Fenerbahce
- Dinamo Zagreb vs PAOK
- Sturm Graz vs Lille
- Maccabi Haifa vs Fiorentina
- Olympiacos vs Maccabi Tel Aviv