Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa shaacisay, in ciyaartoygii 32aad uu ka dhaawacay xilli-ciyaareedkan socda, waxaana liiska ciyaartoyda maqaneyaasha ah ku biiray weeraryahanka reer Spain ee Joselu oo kuraanta wax ka noqday.
War-saxaafadeed ay soo saartay Real Madrid ayaa agu yidhi: ‘Kaddib baadhitaanno ay waaxda caafimaadka Real Madrid ku samaysay ciyaartoygayaga Joselu, waxa lagaga daaweeyey dhaawac lafta kuraanta midig ah. Xaaladdiisa waa la qiimayn doonaa.”
Joselu oo aan tababarka lagu arag tan iyo horraantii toddobaadkan, ayaa waxa la filayey inuu kusoo laaban doono kooxdiisa ciyaarta Axadda ee Sevilla, laakiin hadda waxa uu dhaawaciisu ka dhigan yahay in uu garoomada ka maqnaan doono muddo laba illaa saddex usbuuc ah.
Real Madrid ma aanay sheegin muddada uu maqnaanayo Joselu, laakiin wariyaha ciyaaraha ee Jorge C Picon, ayaa sheegay in xogta uu helayo ay muujinayso in aanu saddex toddobaad ciyaari doonin, isaga oo seegi doona kulamada Sevilla, Valencia iyo Celta Vigo oo horyaalka LaLiga ah iyo lugta labaad ee wareegga 16ka Champions League ee RB Leipzig. Waxa sidoo kale uu shaki ku jiraa inuu awoodi doono inuu ciyaaro kulanka Osasuna ee horyaalka LaLiga.
Joselu oo ay da’diisu tahay 33 jir, ayaa ah ciyaartoyga labaad ee ugu goolasha badan Real Madrid waxaanu u dhaliyey 13 gool, waxaana kaliya ka horreeya Jude Bellingham.
Real Madrid oo Axadda la ciyaaraysa Sevilla, waxa ka maqnaanaya Thibaut Courtois, Eder Militao, David Alaba, Jude Bellingham, Joselu, Dani Carvajal (ganaax,iyo Eduardo Camavinga (ganaax.