Jurgen Klopp oo maanta macasalaamayanaya Liverpool, ayaa waxa uu soo saaray liiska ciyaartoyda uu kala hor tegayo Wolves oo ay ka maqan yihiin labada ciyaartoy ee shaaciyey inay ka tegayaan kooxdan ee Thiago Alcantara iyo Joel Matip.
Tababaraha reer Germany oo bishii January sii shaaciyey bixitaankiisa, ayaa waxa uu doonayaa in garoonka Anfield uu u noqdo mid qurux badan oo guul uu kusoo xidho waayihiisa Liverpool, iyadoo taageereyaashuna si weyn u macasalaamayn doonaan.
Liiska xiddigaha uu soo saaray ayaa ay ka maqan yihiin Thiago Alcantara oo hal kulan oo kaliya u saftay Liverpool 12kii bilood ee ugu dambeeyey, inta kalena dhaawac ku maqnaaa iyo Joel Matip oo bilogii xilli-ciyaareedka ka jabay jilibka.
Andy Robertson oo dhaawac kaga maqnaa ciyaartii Aston Villa ay la galeen barbarra 3-3 ah ee toddobaadkii hore iyo Diogo Jota ayaase dib usoo laabtay, inkasta oo la filayo in weeraryahanka reer Portugal uu kaliya beddel ku iman karayo.
Jota oo 14 ciyaarood oo horyaalka Premier League ah dhaawac kaga maqnaa xilli-ciyaareedkan, ayaa uu dhaawacii ugu dambeeyey kasoo gaadhay ciyaartii ay Fulham guusha 3-1 ah ka gaadheen bishii hore, waxaana uu ka maqnaa afartii ciyaarood ee ugu dambeeyey ee horyaalka.
Ben Doak iyo Bobby Clark ayaa iyaguna ka maqan liiska xiddigaha Liverpool
Halkan kaga bogo liiska 20ka ciyaartoy ee Liverpool kala hor tegayso Wolves
Goolhayeyaal: Alisson, Caoimhin Kelleher.
Difaacyahanno: Andy Robertson, Conor Bradley, Ibrahima Konate, Joe Gomez, Virgil van Dijk, Jarell Quansah, Trent Alexander-Arnold.
Khadka Dhexe: Dominik Szoboszlai, Alexis Mac Allister, Curtis Jones, Ryan Gravenberch, Harvey Elliott, Wataru Endo.
Weerarka: Luis Diaz, Darwin Nunez, Mohamed Salah, Cody Gakpo, Diogo Jota.