Chelsea iyo Liverpool ayaa ku riyaaqaya xilli ciyaareed heer sare ah waxana ay rajo weyn ka qabaan in ay gacanta ku dhigaan koobab waaweyn ololahaan.
Haatan, iyadoo suuqa January uu soo dhawaaday, Blues iyo Reds ayaa laga yaabaa inay si fiican u xoojiyaan safkooda.
Maadaama ay yihiin labada kooxood ee ugu waaweyn Premier League, Chelsea iyo Liverpool waxay ku tartami doonaan qaar ka mid ah ciyaartoyda ugu fiican adduunka.
Labada naadi ayaa haatan indhaha ku haya ciyaaryahanka ka soo iftiimay Brighton & Hove Albion ee Joao Pedro
TBR Football ayaa fahamsan in Brighton ay ku dalban doonto ku dhawaad 100 milyan ginni xiddigeeda Joao Pedro, laakiin ma qorsheynayaan inay u ogolaadaan inuu baxo mustaqbalka dhow.
Pedro ayaa ka mid ah xiddigaha Premier League ugu fiican xilli ciyaareedkan isaga oo dhaliyay 7 gool todobadii kulan ee uu ku soo bilowday ololahaan.
Waxa uu dhaawac ku seegay inta badan kulamadii bishii October, laakiin waxa uu ku soo laabtay garoomada isagoo qaab ciyaareedkiisa fiicnaa kujira bishii hore.