Xidhiidhka kubadda cagta Yurub ee UEFA ayaa ogolaaday codsi uga yimid Real Madrid oo ka caawinaya inay garoonka Santiago Bernabeu ku garaacaan Bayern Munich oo ay goordhow lugta labaad ee semi-finalka isku haleeli doonaan.
Lugtii hore ee labada kooxood ee ka dhacday garoonka Allianz Stadium ayaa kusoo dhamaatay barbarro 2-2 ah, waxaana caawa la go’aamin doonaa midkooda finalka ugu tegi doona Borussia Dortmund.
Leroy Sane iyo Harry Kane ayaa Bayern Munich u dhaliyey goolasha kulankaas, halka Real Madrid uu labada goolba u saxeexay Vinicius Junior.
Real Madrid oo garoonkeeda joogta ayaa waxa ay UEFA ka dalbatay in loo ogolaado in a xidho dusha sare ee garoonka Santiago Bernabeu, si aanay dibedda ugu bixin qaylada taageereyaashu oo ay ugu khalkhalaan ciyaartoyda Bayern Munich.
Wariye Arancha Rodriguez ayaa xaqiijiyey, in UEFA ay ogolaatay in Real Madrid ay xadhi karto saqafka sare ee garoonkeeda oo lagu sameeyey aalad casri ah oo markii la doono la dabooli karo, marka la doonana la furi karayo.
Real Madrid ayaa sidan oo kale ay UEFA ugu ogolaatay inay xidho saqafka garoonkeeda ciyaartii Manchester City ee wareeggii siddeedda Champions League oo ay ka daba yimaaddeen goolal ay waqti hore kala hormartay Man City.